Maxkamad 50 dhalinyaro Soomaali ah ku xukuntay dil toogasho ah

Muqdisho (Caasimada online) – Maxkamad ku taala dalka India ayaa dil toogasho ku xukuntay dhalinyaro Soomaaliyeed oo burcad badeednimo lagu qabtay.

Maxkamada ayaa dil toogasho waxay ku xukuntay ku dhawaad 50 dhalinyaro Soomaaliyeed kuwaasi oo lagu qabtay falal la xiriira burcad badeednimo.

Dhalinyaradan ayaa kamid ahaa 120 ruux oo burbcad badeednimo lagu qabtay intii u dhaxeysay 2001 ilaa 2012, waxaana maxkamada ay ku xukuntay dil toogasho.

Qaar kamid ah dhalinyarada oo maxkamada lasoo taagay ayaa sheegay iney qiranayaan dambiyada qaar ee lagu eedeeyay, waxaana ay sheegeen iney ku lug lahaayeen falalka lagu qabtay.

Dowlada Soomaaliya ayaanan wali ka hadlin dilka lagu xukumay dhalinyarada sidaasi u badan ee burcad badeeda ahaa, kuwaasi oo falalkaasi galay kadib markii kaluumeysi sharci daro ah lagu sameeyay xeebaha dalkeena.

Ma jirto cid maxkamad soo taagtay maraakiibta iyo doomaha sida sharci darada kaga kaluumeysanaya xeebaha Soomaaliya.

Sanadkii lasoo dhaafay mid kamid ah dhalinyarad burcad badeednimada loo heystay ayaa ku dhintay xabisga JAYJAy ee dalka India, mana jirto cid iska sii wareysatay.

Wiilka dhintay oo lagu magacaabayay Cabdi Jaamac ayaa ahaa 28 san jir, waxaana uu la xanuunsanayay xanuunka qaaxada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com