Fowsiya Yuusuf oo kashiftay sir badan oo ku saabsan badda Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Xili Magaalada Hague ee Dalka Holland lagu soo gabagabeeyay dhageysiga Dacwadii muranka Badda Somalia, ayaa waxaa damaca dowlada Kenya si adag uga hadashay Wasiirkii hore ee wasaaradda Arrimaha dibadda Somalia Ahna Xildhibaan ka tirsan BFS Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf, ayaa sheegtay in muranka Kenya uu noqday mid soo laalaabta waxa ayna muranka noocaasi ah barbar dhigtay Fashilkii Kenya ka raacay sheegashada Badda Tanzania.

Xildhibaan Fowsiyo oo u warameysay Idaacada GJ ee magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in Dowlada Kenya ay ku sirmeyso itaal darida heysata dowlada Somalia, hayeeshee waxa ay carabka ku dhufatay in Badda Somalia ay tahay mid diiwaangishan isla markaana aysan Kenya u suuragali doonin sida ay iyada wax u dooneyso.

Xildhibaan Fowsiyo waxa ay sheegtay in Dowlada Kenya ay arrintaani ku khasabtay kadib markii Tanzania looga xukumay badda Kenya horay u qabsatay.

”Kenya damaceedu waa mid fog oo kasoo bilowday markii ay sheegatay qeybo kamid ah Badda Tanzania markii lagu fahmay oo ay dareentay ciriiri ayay istiri Badda Somalia ayaa kaaga dhaw oo aan dowlad awood leh heysan”

Xildhibaanadu waxa ay sheegtay in gafka Kenya ay ogyihiin inta badan adduunka balse ay ka aamuseen kadib markii Kenya ay ku fogaatay Damacii hayay ee sida Sahlan ku galay.

”Kenya waxay gashay ciriir dhanka badda, waxay fikirtay Kenya in xaggeena usoo leexato, Kenya marka xagashii leexsaneyd ee Map-keena raacsaneyd oo weligood ogaayeen waa ay soo leexiyeen 40 Mile isku jibaaran ayeey damceen iney sheegtaan”

Xildhibaanada oo hadalkeeda sii wadata ayaa tirri “Intii aan shaqeynayey waxaan ogaa warqad waagaa oo ay yiraahdeen hanaloo qoro, waxaa joogtay waagaa dowladdii Sheekh Shariif, C/raxmaan C/shakuur ayaa saxiixay isfaham wada hadal ah, markii saxiixaasi la sameeyay umaddii waa ay kacday oo waxay yiraahdeen baddii ayaa la iibsaday”

Waxa ay intaa sii raacisay haddalkeeda Xildhibaanada ”Aniga markii aan akhriyey is fahamkaasi ma jiraaan wax la iibsado, waa Kenya oo damacday iney baddeena qaadato iyo Soomaaliya baa tiri aan ka wada hadalno, waxaan tagey anoo shaqo kale u jooga golaha ammaanka, New York ayaan tagey xafiiskii ku shaqada lahaa Badaha”

”Arrintaani xitaa waxaa la socda Adduunka oo idil balse waxa ay qudhooda la tacajabeen damaca Kenya weyna isaga aamuseen, balse waxaa arrintaani ay hortaala Dowlada Somalia oo looga baahan yahay inay difaacdo Hantideeda”

Dhanka kale, Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf, ayaa ka digtay in Kenya looga aamuso halka ay mareyso dhageysiga Dacwadaani balse loo baahan yahay in la joogteeyo arrinta Badda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com