Maamulka garoonka Muqdisho oo ka hadlay warqadii ceebeysay Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo laba maalmo un ka hor maamulka Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo saaren warqad ay ku mamnuucayaan in Bahda Saxaafada ay gudaha usoo galaan Garoonka ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Maareeyaha Amniga Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho Ashkir Jaamac Cabdi.

Ashkir Jaamac oo u waramaayay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in si khaldan ay warqadaasi uga soo baxday Xafiiskiisa, balse aysan aheyn Warqad si ku tallogal ah ay usoo saaren.

Ashkir Jaamac, waxa uu sheegay in khaladka ugu badan uu yahay mid ka jira qaabka loo qoray warqada waxa uuna iska fogeeyay in warqadaasi amarkiisa lagu faafiyay.

”Adeer anagu qaabka aan u qorsheynay iyo sida warqada loo qoray isma aan laheyn, waayo anaga waxa aan ka wadnay waxa ay ahayd in qalabka ay Wariyayaashu wax ku duubayaan aanu la socon doono ee qorshuhu maaha in la hakiyo howshooda ku aadan Garoonka”

Maareeyaha Amniga Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho Ashkir Jaamac Cabdi, waxa uu sheegay inuu raali galin ka bixinaayo qaabka loo faafiyay Warqadaasi waxa uuna cod dheer ku sheegay inay dib usoo sixi doonaan khaladaadka dhacay.

Haddalka Maareeyaha Amniga Garoonka ayaa imaanaya iyadoo dhamaan amarkii ku qornaa warqadaasi ay Jabiyeen Sheekh Shariif iyo Kaamiriistayaal u socday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com