Keating oo markii ugu horreysay xog ka bixiyey kheyraadka ku jira Somalia

Ottawa (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa kahadlay kheyraadka ku jira dalka Somalia iyo sida ay dadka Soomaaliyeed uga qaxayaan dalkooda.

Michael Keating, waxa uu sheegay in Somalia ay kaalinta koowaad kaga jirto wadamada Africa ugu dhaqan waxa uuna tilmaamay in taasi bedelkeeda ay tahay mid Shacabka Soomaalidu ay yihiin kuwo dayacay dalkooda isla markaana aan maalgishan Gobolada ay kasoo kala jeedan.

Michael Keating, oo la hadlaayay Soomaalida ku dhaqan Magaalada Ottawa ee dalka Canada, ayaa ugu baaqay inay dib ugu laabtaan dalkooda oo ay dhaqaalo gishtaan.

Michael Keating, waxa uu Soomaalida ku eedeeyay inay dayaceen wadankooda isla markaana ay yihiin kuwo u jilicsan dhaqaalo gishiga wadamada ay dulsaarka ku yihiin.

Keating waxa uu Soomaalidaasi uu la kulmay u sheegay inuu raja wanagsan ka muujiyay dib u soo kabashada Somalia, gaar ahaan arrimaha Ammaanka, Siyaasadda iyo Horumarka.

Keating, waxa uu Soomaalida u sheegay in dalkooda uu yahay mid u saaxiib ah Ganacsiga iyo Kheyraadka qeybihiisa kala duwan, balse looga baahan yahay inay maalgishtaan, sida uu hadalka u dhigay.

Keating, ayaa inta badan la kulma Soomaalida ku dhaqan wadamada uu kolkaasi martida ku yahay waxa ayna is weydaarsadan Macluumaadyo kala duwan, isagoo dhanka kale ku booriya inay dib ugu laabtaan dalkooda.

Arrintaani ayaa imaaneysa xili Beesha Caalamka ay goor sii horeysay sheegtay in Somalia ay cagta dhigtay wadadii loogu tallo galay.

Caasimada Online
Xafiiska Toronto
Caasimada@live.com