Soomaaliya oo gaadiid dagaal casri ah ka iibsaneysa Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Mareykanka ayaa shaaciyay in shirkad laga leeyahay dalkaasi ay gaadiid dagaal ka iibineyso dalal Soomaaliya ay ku jirto.

Dalalka Cameron, Iraaq iyo Soomaaliya ayaa fursad u helay iney gaadiid dagaal ka iibsadaan shirkada Oshkosh ee dalka Mareykanka, kadib markii ay heshay nus malyuun lacag ah.

Wasaarada difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in shirkadan qandaraaska heshay ay mashruucaasi ku dhameyn doonto ilaa bisha July ee sanadka 2018.

“Oshkosh oo ah shirkad ka shaqeysa dhanka difaaca Milatariga ayaa waxay heshay 378.1 Milyan oo doolar taas oo gaadiid Military oo ay ka mid yihiin 1,543 baabuurta dhex dhexaadka ah ee Tiknikada uga iibin doonto wadamo shisheeye” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda difaaca Maraykanka.

“Wadamadaasi waxaa kamid ah Cameron, Iraq iyo Somalia”.

Dowlada Soomaaliya oo waday qorshe isku dhafka ciidamad ah ayaa dooneysa iney dhisto ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo dagaladii sokeeye ku burburay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com