Xog: Ciidamo taageersan Shariifka oo gooni uga baxay ciidamada DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo taageersan madaxweynihii hore ee Soomalaia Shariif Sheekh Axmed ayaa gooni uga baxay ciidamada dowladda Soomaaliya, Caasimada Online ayaa ogaatay.

Ciidamadan ayaa la sheegay in badankood ay ku beel yihiin Shariif, una dhasheen beesha Harti-Abgaal, hase yeeshee waxaa sidoo kale ku jira ciidamo kasoo jeeda beelo kale.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in arrintan ay ka dambeeyaan saraakiil sare oo si aad ah ugu xiran madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Arrintan ayaa waxaa markii hore sababay cabsi laga qabay in dowladda Xasan Sheekh ay isku daydo inay carqaladeyso ololaha doorasho ee Shariifka, hase yeeshee markii ay taasi dhici weysana illaa iyo hadda ciidankan sooma laaban, sida ay sheegeyso xogta Caasimada Online.

Qaar ka mid ah saraakiisha arrintan ka dambeeya ayaa kulan ay la yeesheen Shariifka waxa ay ugu sheegeen inay ku jireen afar sano oo gaajo ah, ayna u darsadeen.

Dowladda Soomaaliya weli kama hadal arrintan, hase yeeshee xilli lagu jiro kala guur ayaanba la ogeyn in xittaa ay ka warhayso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com