Xog-warran: Musharaxiinta rasmiga ah iyo Musharaxiinta Qooto Qooto

Muqdisho (Caasimada Online) –  Caasimada Online oo ka mid ah boggaga ugu afka dheer warbaahinta Online-ka ee Soomaalida iyo guud ahaan caalamka ayaa waxaa maalin walba ku tixan akhristayaal kor u dhaafaya 100,000 (Boqol Kun) oo soo gasha si ay ugu bogtaan aqbaaraadka Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka.

Maadaama lagu guda jiro xili xasaasi ah iyo kala guur siyaasadeed ayaa waaxa sii kordhay dadka nasoo booqda oo tirada kor ku xusan kasii kor maray, taasna ay ugu wacan tahay xiliga lagu guda jiro iyo arrimaha doorashada Soomaaliya.

Sidaasi darteed waxaa go’aansanay inaan soo gudbino qoraallo ka hadlaya murashiixiin u tartamaya xilka madaxtinimada Soomaaliya inta ku dhawaaqday murashaxnimadooda iyo ololahooda doorashada, inagoo u kala saari doono kuwa xaqiiqda ah iyo kuwa kale ee aan ugu magac darnay Qooto Qooto, oo aan uga jeedno kuwa magacaaga ha la barto un u tartamaya.

Waxaan qormadaan oo ugu magac darnay “Musharaxiinta rasmiga ah iyo musharaxiinta qooto qooto”. Waxaan faahfaahin doonaa sababta musharax uu noqdo mid xaqiiq ah ama mid qooto qooto ah.

Qormadaan oo aan ka fikirnay, la tashiyo baddana aan la sameynay qorayaal miisaan culus ku leh qalinleyda iyo hal abuurka Soomaaliyeed, waxaana todobaadkiiba laba maalin ay ku soo bixi doontaa Caasimada Online . Qoraaga qormadaan oo khibrad u leh saxaafadda, lehna curin iyo hal abuur ayaa waxaa kala qeyb qaatay Tifatirayaasha iyo qorayaasha Caasimada Online.

Musharaxiinta aan soo wadno ee aad waxa ay yihiin ogaan doontaan waxaa ka mid ah:

Xasan Sheekh Maxamuud
Shariif Sheekh Axmed
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
Cumar Cabdirashiid Cali
C/raxmaan Maxamed Faroole
Jabriil Ibraahim Cabdulle
C/raxmaan Cabdishakuur
Dr. Cabdinaasir Maxamed
Maxamed Axmed Nuur “Tarsan”
Cabdiweli Sheekh Axmed
C/raxmaan Baadiyoow
Maxamed Cali Ameeriko
Dr Bashir Nuur Bidaar
Axmed Macallin Faqi
Fadumo Dayib
Cabdilaahi Axmed Cadoow
Canab M. Daahir
Saciid Cabdullahi Dani
Cabdullahi Ciilmooge Xirsi
Cali Xaaji Warsame
Iyo musharaxiin kale oo badan oo aan dib uga soo dari doono Insha Allah

Haddaba u diyaar garow labada musharax ee ugu horreysa, ogowna midkii rasmi ah iyo midka qooto qooto ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com