Imaanshaha Farmaajo oo durba ay cabsi galisay DF iyo arrin socota

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa waxaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo lagu soo dhaweynaayo Ra’isul wasaarihii hore ee dowladdii KMG aheyd Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Dhaqdhaqaaqyada lagu soo dhaweynaayo Farmaajo, ayaa waxaa sidoo kale lag dareemayaa waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho kuwaasi oo qaarkood lagu arkayo Sawirro lagu xayeysiinaayo Farmaajo oo gudaha Asbuucaani kusoo fool leh magaalada Muqdisho.

Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa waxa uu hadda ku sugan yahya Magaalada Nairobi, halkaasi oo maalmahaani ay kuwada sugnaayen Madaxweynihii hore ee Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maalmo ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho.

Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa labada maalin ee fooda nagu soo heyso gudahooda kaga soo dhamaan doona magaalada Nairobi, halkaasi oo Asbuucyadii ugu danbeeyay xarun ololo u aheyd Musharaxiinta la loolameysa Xassan Sheekh.

Dadka qaar ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa wata dhar lagu buufiyay Sawirka Farmaajo, kuwaasi oo labadii maalmood ee u dambeeyay ka waday magaalada Muqdisho diyaar garow ballaaran oo lagu soo dhoweynayo.

Sidoo kale, maalinta beri ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay soo gaareen xubno uu Farmaajo u xil saartay ololihiisa doorashada, si ay gogol xaar ugu sameeyaan imaanshihiisa Muqdisho.

Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa marka la eego dhanka shacabka noqonaaya shaqsiga ugu shacbiyada badan, waxa uuna imaanshiyihiisa walaac ku yahay dowlada Somalia oo ku khasboonaaneysa inay ciidamo farabadan geyso Garoonka iyo waddooyinka hareeraha ka mara.

Dowlada Somalia ayaa sidoo kale ka cabsi qabta inay xakameyn weyso Taageerayaasha la filaayo inay isugu soo baxaan waddooyinka magaalada Muqdisho mudada kooban ee uu Farmaajo kasoo degaayo Garoonka Aadan Cadde.

Docda kale, maalmo un ka hor ayay aheyd markii magaalada Muqdisho uu kasoo degay Madaxweynihii hore ee Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay usoo banaanbaxeen kumanaan shacab ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com