Boorsaani oo durba awoodiisa ku tijaabistay Sheekh Shariif (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani), ayaa hakiyay Dibadbax la doonaayay in lagu dhigo magaalada Muqdisho, kaasi oo mar kale lagu muujin lahaa taageerida Sheikh Shariif Sheekh Axmed.

Gudoomiyaha Gobolka Benaadir Sheekh Yuusuf Boorsaani oo diyaarinta Dibadbaxaani ka warhelay ayaa la sheegay inuu laalay isla markaana uu ciidamo ku daadiyay daljirka dahsoon, si aan halkaasi loogu qaban dibadbaxa.

Dibadbaxaani ayaa waxaa gadaal ka riixaayay Siyaasiyiin ku dhow dhow Sheekh Shariif kuwaasi oo qorsheynaayay in dibadbax aan la sii shaacin ay ku qabtaan daljirka dahsoon.

Boorsaani ayaa Siyaasiyiintaasi qaarkood ku wargaliyay inay ka fogaadan talaabooyinka qaar ee luminkara dadka shacabka ah, waxa uuna mar kale dhagahooda ku dhibciyay inaanu la qabankarin dibadbaxyo lidi ku ah dowlada Somalia.

Waxaa weli magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Somalia Shariif Sheekh Axmed, waxaana la sheegayaa in mudada uu joogo magaalada ay dowlada Somalia walaac gaar ah ka qabto xaalada magaalada Muqdisho maadaama uu doonaayo in kulan guud uu la qaato taageerayaashiisa.

Docda kale, dowlada Somalia ayaa horay u sheegtay inaanu Garoonka lagu soo dhaweynkarin Musharax, isla markaana aan dibadbaxyo lagu qabankarin magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com