Beledxaawo (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa waxaa laga helayaa dagaal goordhow dib uga qarxay duleedka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland, iyada oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaalka ayaa si gaar ah uga socda aagga xerada UK oo uu ku sugan yahay Cabdirashiid Janan oo hoggaaminayo ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi, kadib markii loo magacaabay taliyaha Nabadsugidda ee Jubaland, kadibna uu sidaas ku tegay Gedo.
Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana lasoo warrinayaa in ciidamada gurmadyo ah oo ka kala yimid degmooyinka Doolow iyo Ceelwaaq ay gaareen degmada Beledxaawo, taas oo uu uga sii dareyso dagaalka haatan ka socda duleedka magaaladaasi.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dadka deegaanka ay intooda ka badan ka barakaceen xaafadahooda, si ay uga fogaadaan waxyeello kasoo gaarta dagaaka dib u qarxay.
Jubaland oo goor sii horreysay qoraal soo saartay ayaa dagaalka Beledxaawo ku eedeysay dowladda dhexe, waxayna sheegtay in lasoo weeraray ciidamadeeda.
“Goor hore oo shalay ah, ciidamadaasi waxay mar kale si toos ah u weerareen magaalada Beledxaawo, oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda Jubaland. Weerarkaasi wuxuu sababay barakac baahsan, burbur hantiyeed oo xooggan, iyo cabsi laga dhaxlay hub culus, oo si aan loo meel dayin loogu garaacay gudaha magaalada. Intaa kaliya kuma ekaan, ee ciidamadaasi waxay sidoo kale biliilaaysteen guryo ay dadkii lahaa ka qaxeen, taasoo si cad u muujinaysa in aanay wax dan ah ka lahayn shacabka iyo deegaanka” ayay tiri Jubaland.
Dagaalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo xalay ka dhacay gudaha degmada Doolow, kaas oo ay ka qayb qaateen ciidamada Itoobiya, kadib markii ay weerareen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada NISA, halkaas oo ay cagta mariyeen, kadibna ay gubeen xerada.
Sidoo kale, ciidamada Itoobiya ayaa gebi ahaanba waxay la wareegeen xerada, waxayna gacantana ku dhigeen Taliyihii ciidanka Nabadusgida ee Doolow iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.
Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Taliya NISA ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay wada-hadallo kula leeyihiin madaxda dalka Itoobiya, iyada oo wada-hadalladaas lagu soo qaaday arrinta gobolka Gedo.