Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa hay’adda duulimaadyada rayidka ah ee QM ee ICAO u gudbisay dacwad ka dhan ah dowladda Kenya kadib markii diyaarad kasoo duushay Nairobi ay shalay ka degtay magaalada Kismaayo.
Ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda ay waraaq ay u qortay hay’adda ICOA ku eedeysay dowladda Kenya ay ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee duulista hawada.
Ilo-wareedyo ka tirsan dowladda ayaa Caasimada Online u sheegay in nooca diyaaradda shalay tagtay Kismaayo ay tahay Fokker 50, oo lambarka diiwaankeedu yahay 5Y-JXJ, kana diiwaan gashan dalka Kenya, waxaana ay ku duuleysay shati ay leedahay shirkadda Jubba Airways.
Dowladda ayaa sidoo kale ay suurta-gal tahay inay tallaabo ka qaado shirkadda Jubba Airways.
Dowladda Soomaaliya ayaa horey usoo saartay amar ay Kismaayo uga mamnuucday duulimaadyada aan soo marin magaalada Muqdisho, taasi oo diyaaraddii tagtay Kismaayo ay jebisay.
Diyaaradan ayaa Jubaland ay ugu talo gashay inay kusoo daabusho madaxda loo diiday inay ka qeyb-galaan caleemo-saarka madaxweyne Axmed Madoobe.
Dacwada ay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada u gudbisay ICAO ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo ay ee ka dhan ah dowladda Kenya oo ay Soomaaliya u gudbiso Qarramada Midoobey.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com