DF oo shaacisay in gacanta lagu dhigay saraakiil sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in xubno ka tirsanaa Al-Shabaab nolosha lagu soo qabtay, halka kuwo kale oo saraakiil ku jiraana ay isku soo dhiibeen ciidanka dowladda ee ka howlgala deegaano hoos taga Aadan-yabaal oo maalmihii lasoo dhaafay dagaallo culus ka socdeen.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay seddax dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo sarkaal lagu magacaabo Maxamed Cali Xasan oo loo yaqaano Macalin Xudeyfa ayaa iskood isku soo dhiibeen maanta.

“Koox ka tirsan Khawaarijta Shabaab, kuwaas oo ka kooban afar xubnood uuna hogaaminayay Horjooge Maxamed Cali Xasan oo loo yaqaano Macalin Xudeyfa ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan Dowlad Goboleedka HirShabeelle,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale qoraalkaan waxaa lagu sheegay in ninkaas sarkaalka ah ee lagu magacaabo Macalin Xudeyfa uu hoggaaminayey Shabaab-kii dhowaan lagu jebiyay dagaaladii ka dhacay Shabeellada Dhexe.

Warkaan ka soo baxay dowladda waxaa sidoo kale lagu sheegay in 8 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab nolosha lagu soo qabtay, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayey dhul keyn ah.

“Ciidamada Qaranka ayaa gacanta ku dhigay 8 ka tirsan Khawaarijta kuwaas oo isku dayay in ay isku qariyaan Dhulka hawdka ah ka dib Jabkii cuslaa ee Khawaarijtu ay kala kulantay Dagaalkii ay Ciidamada Qaranka iyo Shacabka Deegaanku kula galeen Hirshabeelle,” ayaa lagu yiri bayaankaan.

Maalin ka hor isla aaggaaas waxaa ciisanka dowladda isku soo dhiibay Siciid Raage oo Al-Shabaab ugu magacawnaa nabadoon iyo mid ka mid ah dagaalyahanada kooxda, sida lagu sheegay warkaan.

“Isisoo dhiibayaasha ayaa si wanaagsan ay usoo dhaweeyaan Ciidamada Qaranku, waxaana ka go’an dowladda Soomaaliya in ay daryeesho kuwa ka tanaasula fikirka Khawaarijta iyo ficilladooda guracan,” ayaa bayaanka dowlada lagu yiri.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in cadaaladda la marsiiyo dhagarqabayaasha ku adkaysta kusii jirista Khawaarijta, kuna dhiiranaada dhaqamadooda foosha xun.”