27 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Hooyo iyo wiilkeeda oo loogu dilay MUQDISHO

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in halkaasi Caawa lagu toogtay Hooyo Soomaaliyeed iyo wiil da’ yar oo ay dhashay.

Falka dilka ayaa waxaa geystay Kooxo saarnaa gaari nooca raaxada ah, kuwaasi oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Hooyada iyo wiilkeeda ee halka meel lagu wada dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Axmed Maxamed ”Axmed Duuni” iyo Xaawo Macalin, iyadoona Weerarka lagu Dilay uu yimid kadib markii Gaarigooda lagu horgoooyay mid kale oo ay wateen Dabley hubeysan.

Wararku waxa ay sheegayaan in qorshaha dilkaasi uusan aheyn in lagu khaarijiyo Hooyada iyo wiilka ay dhashay balse dilka uu ahaa mid lala maaganaa Haweeney lagu magacaabo Xaawo oo kamid aheyd Saraakiisha Waaxda Dhul-bixinta ee Maamulka Gobolka Banaadir, taasi oo la sheegay inay la soctay gaari kale oo ka danbeeyay kan ay Hooyada la dilay wadatay.

Dilka kadib ayaa waxaa halkaasi gaaray Ciidamada Dowlada oo halkaasi ka sameeyay baaritaano lagu baadi-goobayo gaarigii falkaasi geystay, balse lama sheegin cid ay dilkaasi ilaa iyo hadda u qabteen.

Ma jirto cid ilaa iyo hadda ka hadashay dilkaasi waxaana lasoo sheegayaa in iminka uu socdo baaritaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News