GAAS oo magacaabay xubnihii laga sugayey..!!!

Garowe (Caasimada Online) – Kadib markii wariyaasha galabta looga yeeray madaxtooyada Puntland ee  garowe ayaa waxaa lagu shaaciyay gudiga doorashooyinka deegaanada Puntlad ka dhacaya, kadib markii madaxweyne Gaas oo arinataasi cadaadi badan kula kulmay.

Gudiga oo sida sharciga uu yahay ka kooban sagaal xubnood ayaa madaxweyne Gaas wuxuu xaq u leeyahay inuu soo magacaabo shan kamid ah xubnaha, halka afarta kale ay soo xulayaan xubnaha baarlamaanka ee maamulka Puntland, sida dastuurka Puntland dhigayo.

Xubnaha gudigan kamid ah ayaa waxaa laga doonayaa iney diyaariyaan doorashooyinka ka dhacaya deegaanada Puntland.

Waxaa xubnaha kamid ah  gudigan:

Cabdulaahi Cali Nuur

Maxamed Cabdulaahi

Naciime C/raxmaan

Axmed Maxamed Cali

Maxamed Soofe

Maxamed Siciid Cumar

Madaxweynaha Puntland ayaa horey u sameeyay balanqaad ah inuu soo magacaabayo gudiga doorashooyinka Puntland, waxaana haatan ka dhiman xubnaha ay soo magacaabayaan baarlamaanka maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com