29.9 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Deg Deg: dilal si la yaab leh uga dhacay Degmada Waaberi Ee Magaalada Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta Magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Waaberi ka dhacay dilal aad la yaab u leh, taasoo noqotay mid ay fasiraad kala duwan ka bixiyeen.

Mid ka tirsan Ciidamada Minishiibiyada dowladda dhexe ayaa isku dayey inuu lacag baad ah ka qaado nin masaakin ah oo iibinayey Malay gudaha suuqa Laabeeriya ee Degmada Waaberi, xilli uu isla markaas soo shaqo tagay.

Ninkii ayaa diiday inuu lacagta bixiyo waxayna midaas keentay inuu askarigii MInishiibiyada ka tirsan si bareer ah xabad ugu dhufto ninkii Malayga iibinayey kaasoo si deg deg ah nafta uga baxday.

Markii uu dilkaas ka dhacay, isla daqiiqadii nin Malaay iibinayey oo saaxiib la ahaa midkii geeriyooday ayaa toorey wadnaha ka geliyey askarigii Minishiibiyada ka tirsanaa kadib dhulka ayuu ku dhacay wuxuuna ka qaatay qorigii u watay wuxuuna ku dhuftay shan xabo halkaasna waxaa isna ku geeriyooday askarigii markii hore dilka geystay.

Markii falkaas dhacay, waxaana Saldhigga Waaberi ee ku yaal agagaarka Isgoyska Dabka tagay ninkii askariga Minishiibiyada dilay, wuxuuna sheegay inuu ahaa go’aan saxan oo uu qaatay, wuxuuna codsaday in sharciga loo fiiriyey.

Arrintaan ayaa noqotay middii ugu yaabka badneyd  ee Degmada Waaberi ka dhacay, waxaana hadal hayo dhammaan dadki degmadaas ku nool.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News