Akhriso tirada dadka u dhintay cudurka Daacuunka iyo Shuban Biyoodka

Muqdisho (Caasimada Online)-QM ayaa shaaca ka qaaday tirada dadka u dhintay cudurka Daacuunka iyo Shuban Biyoodka tan iyo markii Somalia ay ka dilaacday abaarta.

QM waxa ay sheegtay in dadka u dhintay xanuunadaasi ay gaarayaan ilaa 500 Qof, halka Kumanaan kalena ay la Il-daran yihiin.

Qoraal kooban oo ka soo baxay QM qeybteeda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay inay walaac ka muujineyso nolosha 25,000 oo haatan la liita xanuunno u badan Daacuunka iyo Shuban Biyoodka.

QM qeybta Caafimaadka waxa ay intaa kusii dartay in xaalada Gobolada ay tahay mid kasii dareysa isla markaana loo baahan yahay awood looga hortago xanuunada sii baahaya.

Waxaa qormada yar lagu sheegay inay suuragal tahay in maalmaha ka harsan bishaani uu sii kordho kiiska dhimasho ee cudurada Daacuunka iyo Shuban Biyoodka.

WHO ayaa dhankeeda ku sheegtay tan iyo billoowgii Sanadkan inay dadka u geeriyooday Daacuunka iyo Shubanku gaarayaan 524.

Sidoo kale, hay’adda Bini’aaddannimada ee QM (UN-OCHA) ay ku tilmaantay iney dhimmashadu gaareyso, 533 oo Qof.

Hay’aduhu waxa ay DFS ugu baaqen inay la imaado diiwaanka kiisaska cudurada iyo dadka u dhintay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com