Duqeyn culus oo maanta lala beegsaday Al-Shabaab

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gal culus oo dhanka cirka ah oo lala beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Howl-galkaan oo ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo saaxiibada Mareykanka ayaa ka dhacay gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarka oo ay fuliyeen ciidanka xoogga oo kaashanaya ciidanka cirka ee Mareykanka ayaa ka dhacay deegaan 45KM waqooyi berri kaga began magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ee dowlad-goboleedka Jubbaland, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Howl-galkan ayaa waxaa lagu dilay ilaa afar xubnood oo mid ahaa koox ka tirsan Shabaab oo isku abaabulayay goobta la bartilmaameedsaday, mana jiro wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah.

Waa tallaabo kale oo dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa saaxiibada caalamiga ay qaadeen oo qeyb ka ah dhabar-jabinta Al-Shabaab ee khatarta ku ah nabadda iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa gobolka intaba.

“Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa dadkeeda iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go’an ciribtirka kooxaha khawaarijta oo khatarta iyo duulaanka ku ah jiritaanka Soomaaliya.”