25.5 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Farmaajo oo caddeeyay mowqifkiisa siyaasadeed ee dalka, kana digay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war-saxaafadeed culus kasoo saaray xaaladda dalka, isagoo caddeeyay mowqifkiisa siyaasadeed.

Farmaajo ayaa sheegay in khatarta amni ee hortaagan qarannimadda Soomaaliyeed iyo bad qabka nabadgalyada shacabka Soomaaliyeed ay wali ka imaanayso kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu muujiyay sida uu uga soo horjeedo wax ka beddelka dastuurka, isagoo hoggaanka talada dalka haya ku eedeeyay in tan iyo markii uu talada la wareegay wuxuu ka leexdey hannaankii dowlad dhiska Soomaaliya oo ay laf dhabarka u ahayd siyaasadda loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay.

“Waxaa uu hoggaanka hadda jira si kaligiis tashinimo ah wax ka baddal ugu sameeyey dastuurka KMG ah ee ay ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay, iyadoo aan loo marin jidkii sharciga iyo heshiis loo dhan yahay midna,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu madaxda qaranka ugu baaqay inay la yimaadaan isbeddel iyo siyaasad qaran oo lagu sixi karo arrimaha in ciidanka xoogga dalka uu burburo ama uu gudan waayo waajibka loo igmaday, sida uu sheegay.

Madaxweynihii hore ayaa ka digay muddo kororsi aan sharciyad haysan, doorasho hal dhinac ah iyo in dalka loo horseedo in la iska garab dhiso laba dowladood oo laba dastuur kala wata.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Tan iyo dib u aas-aaskii jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya ee sannadkii 2000 lagu soo dhisay dowlad KMG ahayd, waxa ay ummadda Soomaaliyeed ku jirtay halgan siyaasadeed oo hadafkiisu ahaa dib-u-dhiska qaran taabaggal ah oo gudan kara waajibaadka ka saaran ilaalinta gobonnimada, midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, awoodna u yeelan kara daryeelka iyo adeegga ay shacabka Soomaaliyeed baahida u qabaan.

Inkasta oo dadaallo badan oo naf iyo maalba leh lagu bixshay sidii loo gaari lahaa himilooyinkaasi, haddana waxaa cad in dib u dhac weyn ku yimid xaqiijinta ujeeddooyinkaas qaran.

“Haddaba, aniga oo aaminsan iney lagama maarmaan tahay in ummadda Soomaaliyeed marnaba ka quusan qaranista himilooyinkooda qaran, ayaa waxaa xusid mudan in mas’uuliyadda koowaad ee ilaalinta wadajirka dalka iyo daryeelka shacabka loo doortay hay’adda dastuuriga ah iyo madax qaran oo ay ahayd inay wax walba ka hormariyaan waajibaadkooda dastuuriga ah”.

Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isaga oo ka amba qaadaya mas’uuliyadda qaran ee na wada saaran iyo xaaladaha amni, siyaasadeed, dhaqaale, abaaro iyo khataraha soo foodsaaray midnimada iyo wadajirka dalka ayuu wuxuu latashiyo ballaaran la sameeyey qeybaha kala duwan ee bulshada, sida xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, siyaasiyiinta, culimada, odayaasha dhaqanka, dhallinyarada iyo ururrada bulshada rayidka ah, wuxuuna halkan ku soo gudbinayaa mowqifkiisa siyaasadeed ee ku aaddan xaaladda dalku ku sugan yahay.
Amniga:

“Waxaan aaminsanahay in khatarta amni ee hortaagan qarannimadda Soomaaliyeed iyo bad qabka nabadgalyada shacabka Soomaaliyeed ay wali ka imaanayso kooxda nabad-diidka Alshabaab oo wali ah khatar aan indhaha laga qarsan karin, waxaana nasiib darro ah in dowladdda hadda jirta ka leexatay siyaasaddii iyo istaraatiijiyaddii lagu cirib tiri lahaa kooxaha argagaxisada.

Waxaan aad uga xumahay burburkii ku yimid ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagaliyey dagaallo aan qorshe iyo istaraatiijiyad laga fiirsadey lahayn, taaso keentay in kooxaha argagaxisadu sii xoogaystaan, dibna u qabsadaan deegaanno dhiig badan loo huray xorayntooda.

Waxaa sidoo kale qeyb weyn ka qaatay habaca iyo niyad jabka ciidanka xoogga siyaasadda ciidan qorista iyo dalacsiinta oo ciidanka dhexdiisa ka abuurtay eex iyo caddaalad darro.

Musuqmaasuqa iyo kala daadsanaanta hoggaanka ciidanka ayaa iyana qeyb weyn ka ah hawlgudasho la’aanta Ciidanka Xoogga Dalka.

Waxaa iyana walaac badan leh in qeybo badan oo dalka ka mid ah ay kasoo cusboonaadeen dagaal beeleedyo hubeysan oo dhibato badan ku haya amniga qaranka iyo midka shacabka, iyada oo aysan muuqan wax siyaasadda cad oo dowladdda hadda jirtaa ka leedahay ka hortagga, joojinta iyo dib u heshiisiinta dadka walaalaha ah ee Soomaaliyeed.”

Siyaasadda:

Geeddi socodka siyaasadda Soomaaliya oo ahaa tiirka toosinta siyaasaddii horseedday burburkii qaran ee Soomaaliya ku jirtay sanooyinkan dambe waxaa aas-aas u ahaa guushii laga gaaray in dalku yeesho Dastuur KMG ah oo dhammaan la isla oggolaaday iyo hannaan doorasho la isla oggolaaday hadda wixii duruuftu oggolato.

Labadaas qodob waxay horseedeen in dalka ay ka dhacaan doorashooyin haysta sharciyad iyo hay’ado ku dhisan dastuur la isla oggol yahay.

Haddaba, sida aan wada ognahay hoggaanka talada dalka haya tan iyo markii uu talada la wareegay wuxuu ka leexdey hannaankii dowlad dhiska Soomaaliya oo ay laf dhabarka u ahayd siyaasadda loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay.

Waxaa uu hoggaanka hadda jira si kaligiis tashinimo ah wax ka baddal ugu sameeyey dastuurka KMG ah ee ay ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay, iyadoo aan loo marin jidkii sharciga iyo heshiis loo dhan yahay midna.

- Advertisement -

Read more

Local News