27.8 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Booliska oo xabsiga dhigay askar Muqdisho ku dhex watay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska ee gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in ay qabteen 11 askari oo lagu tuhunsan yahay in ay hub si sharci-darro ah ugu dhex qaateen magaalada Muqdisho, taas oo ka hor imanaysa awaamiir hore oo lagu mamnuucayay falkaas.

Taliska ayaa sheegay in askartan ay ka dhega-adaygeen amarro si cad uga soo baxay hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka, kuwaas oo hore loogu wargeliyay dhammaan ciidamada, isla markaana lagu amray in aan hub lala dhex socon caasimadda iyadoo aan shaqo rasmi ah lagu jirin.

Sidaas darteed, boolisku waxa ay sheegeen in dacwaddooda loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh.

Qoraal ka soo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu yiri: “Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Booliska Caasimadda, Saldhigga Bartamaha, ayaa gacanta ku dhigay 11 eedaysane oo askar ah, kuwaas oo lagu soo qabtay iyagoo si sharci-darro ah ugu hubaysan bartamaha caasimadda.”

Sidoo kale qoraalka ayaa intaas ku daray in eedeysanayaashu ay jebiyeen awaamiirta amniga ee mamnuucaysay in askari aan howl ku jirin uu si gaar ah hub ula dhex maro Muqdisho, waxaana hadda ay ku jiraan gacanta booliska, iyadoo loo diyaarinayo in maxkamad la horgeeyo.

“Eedaysanayaashan ayaa baalmaray awaamiirta hay’adaha amniga ee farayay in aan lagu arki karin caasimadda askari aan shaqo ku jirin oo si iskiis ah hub ula dhex socda magaalada. 11-ka eedaysane waxay haatan ku jiraan gacanta Booliska, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda ay khusayso,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka booliska.

Hay’adaha amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay magaalada Muqdisho uga mamnuucay in lagu dhex qaato hubka culus ee qaarkood gaadiidka lagu xiro, tirada badan ee ilaalada dadka is-ilaaliya, iyo in askartu hub ula dhex socoto magaalada.

- Advertisement -

Read more

Local News