Cabdiqaasim, Farmaajo iyo Shariif oo soo saaray qoraal ay ugu digayaan Xasan Sheekh

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Madaxweynayaashii hore ee dalka, Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan, Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo warsaxaafadeed wadajir ah soo saaray ayaa si adag uga hadlay xiisadda ka dhalatay dhulalka danta guud ee ku yaalla Muqdisho iyo barakicinta shacabka.

Saddexda Madaxweyne ee hore ayaa ka digay ku takri-falka dhulka danta guud ee caasimadda, waxayna sheegeen in si aan sharci ahayn loo iibinayo.

Sidoo kale, waxa ay farriin u direen Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ugu baaqeen inuu ka waantoobo ku takri-falka hantida danta guud, ayna dib gacanta dowladda ugu soo noqdaan dhulalka la iibiyay.

โ€œHaddaba, anaga oo tixgalinayna cabashooyinka isdaba-joogga ah ee naga soo gaaraya qoysaska la barakiciyey waxaan u soo jeedineynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud: Inuu ka waantoobo ku takri-falka hantida danta guud iyo u awood sheegashada dadka dan-yarta ah ee uu u dhaartay inuu u adeego. In dhulka lagu soo celiyo gacanta Dowladda, kii laga maarmi waayana la mariyo hannaanka sharcigu tilmaamay,โ€ ayaa lagu yiri bayaanka.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:

Ugu horrayn, waxaan tacsi u direynaa qoysaska iyo qaraabada dadkii ku dhintay howl-gallada ku takri-falka dhulka danta guud ee ka socda magaalada Muqdisho, waxaana leenahay Eebbe ha u naxariisto intii ku dhimatay, kuwa ku dhaawacmayna Alle ha caafiyo.

Sida ku cad qodobbada 25aad, 26aad iyo 43aad ee Dastuurka KMG ah ee JFS, qodobbada 50aad iyo 51aad ee Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud oo qeexaya hantida danta guud iyo sida loo maamulayo, iyo qodobbada 6aad iyo 22aad ee Xeer Lr.41 ee Sharciga Dhul Qaybinta โ€“ qodobbadaas dhammaantood waxay waajibinayaan in marka dhul laga saarayo diiwaanka Dhulka Danta Guud la xaqiijiyo arrimahan:

  • In muwaadin kasta xaq u leeyahay inuu helo deegaan aan waxyeello u lahayn caafimaadkiisa iyo baraarihiisa nololeed.
  • In la soo bandhigo in laga maarmay dhulka la iibinayo iyo sababta.
  • In iibintiisa ay ka masuul tahay Hayโ€™adda Iibka Qaranka.
  • In la naadiyo, laguna qoro Faafinta Rasmiga ah ee Dowladda, laguna dhejiyo goobaha dadku isugu yimaadaan.
  • In la xaqiijiyo sinnaanta fursadaha helidda dhulka iyo ka faaโ€™iideysiga kheyraadkiisa.
  • In la xaqiijiyo ka faaโ€™iideysiga dhulka si waafaqsan mabaadiโ€™da dheefsashada dhulka, iyada oo aan dhibaato loo geysan deegaanka.
  • In la xalliyo khilaafaadka ka dhasha dhulka iyo hantida.
  • In la nidaamiyo dhaqdhaqaaqa suuqa ka ganacsiga dhulka, si looga hortago ku takri-falka xuquuqda milkiilayaasha dhulka ee yaryar.
  • In dakhliga ka soo xarooda dhulkii la iibiyay lagu shubo khasnadda dhexe ee dowladda.

Waxaa ayaan-darro weyn ah in aan la marin qodobbadaas sharciyeed ee dalka, isla markaana si bareer ah loogu tuntay Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka.

Haddaba, anaga oo tixgalinayna cabashooyinka isdaba-joogga ah ee naga soo gaaraya qoysaska la barakiciyey waxaan u soo jeedineynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud:

  1. Inuu ka waantoobo ku takri-falka hantida danta guud iyo u awood sheegashada dadka dan-yarta ah ee uu u dhaartay inuu u adeego.
  2. In dib u dejin loo sameeyo dadka la barakiciyay, kuwaas oo xaq dastuuri ah u leh in ay helaan deegaan.
  3. In dhulka lagu soo celiyo gacanta Dowladda, kii laga maarmi waayana la mariyo hannaanka sharcigu tilmaamay.

Ugu dambayn, ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed ee xalaal-quutayaasha ah waxaan uga digaynaa in aanay ku kadsoomin dhulka danta guud ee ummadda ka dhexeeya, ayna meel uga soo wada jeestaan fasaadka iyo boobka hantida qaranka, iyaga oo ogsoon awooddooda dastuuriga ah ee ku cad qodobka 1aad ee Dastuurka dalka.

Waxaa soo wada saaray Madaxweynayaashii hore ee dalka:

  1. Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan
  2. Mudane Shariif Sheekh Axmed
  3. Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

-Dhammaad-

- Advertisement -

Read more

Local News