Firdhiye oo ku biiraya shirka ka socda Villa Somalia ee Xasan Sheekh iyo maamullada

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maalintii labaad galay ayaa waxaa goordhow la filayaa inuu ku biiro Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Firdhiye.

Inkasta oo Firdhiye uusan xubin ka aheyn madasha shirkan oo u dhaxeeya madaxweyne Xasan Sheekh iyo afarta maamul goboleed ee Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, haddana waxaa uu shirka ka jeedin doona warbixin la xiriirta deegaannada SSC.

SSC-Khaatumo oo kal horey ay dowladda federaalka Soomaaliya siisay aqoonsi KMG ah ayaa dhisatay xukuumad, waxaana uu Mr. Firdhiye la wadaagi doona madaxda shirka xaaladda deegaanadaasi iyo isbedeladdii u dambeeyay ee dhacay.

Firdhiye ayaa tan iyo markii uu shalay soo gaaray Muqdisho shirar la yeeshay xubnaha labada gole ee dowladda iyo madaxda maamul goboleedyada, waxaana maalinta berri lagu wadaa inuu u ambabaxo dalka Talyaaniga.

Dhinaca kale, Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee maanta ayaa sidoo klae loogu balansan yahay in la guda-galo qodobada la xiriira arrimaha doorashooyinka oo si weyn isha loogu haayo natiijadiisa.

Arrimaha doorashooyinka ayaa noqon doono qodobka ugu culus ee is-mari waaga ka imaan doono, maadaama la ogsoon yahay in madaxda maamulada ay quud-dareenayaan muddo-kororsi ama inay doorashada si iskood ah u maamushaan.

Xasan Sheekh ayaa hadda waxaa heysata labo daran mid dooro, inuu dowlad-goboleedyada waqtiga u kordhiyo oo muddo xileedkiisa la simo iyo in maamul kasta iskiis ugu madax-bannaanaado qabashada doorashooyinka.

Go’aanadda kasoo bixi doona shirkaan ayaa si dhow isha loogu hayaa, taasi oo muujin doonta dhinaca adkaada dhinacyada uu shirka uga socdo Villa Somalia.