Muqdisho (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay toogteen gabar macalimad ka ah Jaamacadda Somalia ee magaalada Muqdisho.
Arday ka mid ah, ardayda wax ka barta Jaamacadda Somalia, goobjoogna u ahaa dhacdada oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in gabadha macalimada lagu toogtay iyadoo la socotay baabuur Mini Bus oo Jaamacadda ay lahayd kaasoo ka soo baxay gudaha Jaamacadda.
“Gabar maclimad ka ahayd Jamcada Somalia ayaa isla daqiqadan lagu dilay Jamacada iridkeeda qaybta warshadaha gob jog ayan ahay hada, waxay ahayd economic teacher” ayuu yiri ardaygan noo warrmay oo didday magaciisa in aan soo xiganno.
Gabdhan la toogtay ayaa lagu magacaabi jiray Leylo waxaana ay u dhalatay dalka Uganda, iyadoo ka mid ahayd macalimiinta ajaaniibta ee wax ka dhigga Jaamacadda Somalia laanta Baar Ubax degmada Wardhiigleey
Kooxda dilka geestay ayaa goobta durba ka baxsaday, waxaana aan la ogeyn sababta ay u dileen macalimadan ajnebiga ah oo labadii sanno ee la soo dhaafay wax ka dhigeysay Jaamacadda Somalia.
Bishii August ee sannadkan ayaa xilli duhur waxaa degmada Hodan lagu toogtay haweeney u dhalatay dalka Sweden taasoo ka soo baxday Jaamacadda Somalia laanta KM4, waxaa lala dilay turjumaankeeda iyo qof ilaalo u ahaa.
Lama oga sababta iyo cidda ka dambeysa dilka macalimadan u dhalatay dalka Uganda.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho