Toogasho lala beegsaday mas’uul sare oo caawa ka dhacday Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in la dhaawacay Guddoomiyihii Maxkamadda Degmada Gaalkacyo C/raxmaan Kilwe.

Guddoomiyaha ayaa waxaa dhaawacay Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado, kuwaa oo weerarka kadib ka baxsaday Goobta.

Weerarkaani oo caawa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa fuliyay ilaa Seddex Maleeshiyo kuwaa oo rasaasta Guddoomiyaha kaga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa.

Guddoomiyaha ayaa dhaawaciisa waxaa loo qaaday Isbitaalka Magaalaga Gaalkacyo, si xaaladiisa caafimaad halkaasi loogu dabiibo.

Ciidamada Amaanka ayaa iminka wada baaritaano ay ku baadi goobayaan Maleeshiyaadka dhaawacay Guddoomiyaha oo ku dhex baxsaday Magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com