24.9 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare oo la doortay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goor dhaw soo dhamaaday doorashada Guddoomiye ku-xigeenka Labaad aqalka sare oo ay ku tartameen Musharaxiin dhowr ah.

Doorashada Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ayaa waxaa kusoo baxay Xildhibaan Mowliid Xuseen Guhaad oo helay codadka ugu badan.

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee la doortay ayaa kusoo baxay Codad dhowr ah oo uu kaga horeeyay Xildhibaan C/kaafi Macalin Xasan oo ah shaqsigii ay isku soo hareen.

Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Aqalka Sare ayaa tirinta Codadka ka dib sheegay in Doorashada uu kusoo baxay Xildhibaan Mowliid Xuseen Guhaad, waxa uuna Guddiga tilmaamay in Guddoomiye ku-xigeenka Labaad uu ka codad badiyay Musharaxiintii kale.

Dhinaca kale, Guddiga ayaa Xildhibaan Mowliid Xuseen Guhaad ugu hambalyeeyay Guusha uu ka gaaray Doorashada Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka Sare.

CODADKA AY KALA HELEEN MUSHARAXIINTA

1-Mowliid Xuseen Guhaad 28 Cod

2-C/kaafi Macalin Xasan 24 Cod

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News