Tehran (Caasimada Online) – Dowladda Iiraan ayaa gebi ahaanba beenisay in weerar gantaallo ah ay saaka ku qaaday Israa’iil kadib markii ay bilaabatay xabbad-joojinta. Sida ay baahisay warbaahinta dowladda Iiraan “ma jiro weerar lagu beegsaday Israa’iil” taas oo waxba kama jiraan ku tilmaamaysa eedeynta Israa’iil.
Israa’iil ayaa goor sii horeysay ku eedeysay Iiraan inay weerar kusoo qaaday xilli ay dhaqan-gelisay xabbad-joojintii uu ku dhowaaqay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in gantaallo laga soo riday dhanka Iiraan.
Weerarrada la beeniyay ayaa la sheegay in si gaar ah loogu beegsaday waqooyiga, bartamaha – oo ay ku jirto magaalada Tel Aviv – iyo koonfurta dalkaas.
Inkasta oo Israa’iil sheegtay inay u hoggaansantay xabbad-joojin uu horey ugu dhawaaqay Trump, haddana saacadihii lasoo dhaafay waxay geysatay weeraro, taas oo muujinaysa xaalad hubanti la’aan ah oo ka jirta gobolka. Israa’iil waxay sidoo kale sheegtay inay sii wadayso weerarrada haddii Iiraan ay jebiso heshiiska xabbad-joojinta.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa si cad u sheegay in xukuumaddiisu gaadhay ujeeddooyinkeedii militari, gaar ahaan dhanka kahortagga khatarta ka imanaysa barnaamijka nukliyeerka Iiraan. Wuxuu intaa ku daray in heshiiska xabbad-joojinta la ixtiraami doono haddii Iiraan aysan jabin.
Netanyahu ayaa ku cel-celiyay in weerar kasta oo ka yimaada Iiraan uu noqon doono mid laga jawaabo si xooggan. Hadalkan ayaa imanaya xilli xiisadda labada dal ay gaartay meel aad u kulul, taasoo cabsi gelisay gobolka Bariga Dhexe.
Labada dhinac ayaa isd-haafsanayay gantaallo tan iyo markii Israel ay qaaday weerar lama filaan ah oo ay ku sheegtay “ka hor tag,” 13-kii June, kaasoo ay ku beegsatay xarumo nukliyeer iyo goobo milatari oo Iran ah, taasoo keentay in Trump uu uga digo khatar dagaal ballaaran oo gobolka ka qarxa.
Si kastaba, xaaladda sii cakiran ee u dhexeysa Iiraan iyo Israa’iil ayaa muujinaysa in heshiisyada xabbad-joojinta aysan weli noqon kuwo si dhab ah loo fuliyo, iyadoo weerarro laga soo warinayo meelaha qaar, taasoo halis gelinaysa nabadda gobolka iyo xaaladda amni ee caalamka.