Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo deg-deg ah oo ku aadan weerarkii dhawaan lagu qaaday hoyga ay magaalada Muqdisho ka dagan tahay Wasiirka Qoyska iyo Xaquuqul Insaanka Marwo Khadiija Al-Makhzoumi, kaas oo dhaliyay hadal-heyn xooggan.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa haatan lasoo xiray labadii taliye ee hoggaaminayay ciidamada weerarka qaaday, kadib amar toos ah oo kasoo baxay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ay u dacwootay wasiiradda la weeraray hoygeeda.
Taliyeyaasha lasoo eedeeyay ayaa kala ah taliyaha Booliska ee saldhigga degmada Waaberi Cismaan Jareere iyo taliye ku-xigeenka Ciidanka Haramcad ee Booliska Soomaaliyeed Bakar Abuukar Cali, kuwaas oo wajihi doono maxkamadeyn.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan kiiska ay la wareegtay Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida oo guda geli doonta dhageysiga dacwaddda loo haysto saraakiisha.
Ujeedka ciidanka howlgalka qaaday ayaa ahaa in guriga wasiirrada ay kala baxaan gaadiid ciidan oo ku xareysnaa, sida aan xogta ku helnay.
Gaadiidka ayaa waxaa la sheegay inuu leeyahay siyaasiga caanka ah Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ah Seyga Wasiir Khadiija, haddana ah mucaarad kasoo horjeedo Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay horay u ahaayeen saaxiibo dhow.
Guuleed ayaa sidoo kale horay usoo noqday Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug iyo wasiir heer federaal ah oo muddo lasoo shaqeeyay Xasan Sheekh Maxamuud.
Si kastaba, Maxkamadda Ciidamada ayaa laga sugayaa in go’aan ay kasoo saarto kiiskan, maadaama ay la wareegtay galka ciidamada iyo saraakiishii ka dambeysay weerarka oo dhacay afar maalmood kahor.

