Muqdisho (Caasimada online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wfdi uu hogaaminayo ayaa manta markii ugu horeysay Safar dhul ah wuxuu ku tagay magaada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose .
Madaxweynaha Waxaa lagu galbiyay gaadiidka Gaashaaman oo ay horboodayaan ciidamada nabad ilaalinta Soomaaliya u jooga ee AMISOM kuwaas si aad ah u sugayay amniga wafdiga madaxweynaha Soomaaliya .
Waxaa si aad ah loo adkeeyqay amniga wadada isku xirta Muqdisho ilaa Maro halkaas oo lagu gadaamay ciidamo amniga xaqiijiya kuwaas si aad ah dhaqadhaqaayada shacabka iyo gaadiidka wadadaas ku socdaalayay la soconayay.
Ujeedka wafdigan ayaa sida la sheegay waxay tahay sidii ay u dhameystiri lahaayeen heshiiska beelo wada daga gobolkaas oo dhawaad dagaal uu dhexmaray.
Dhinaca kale Madaxweynaha dowlada Federaalka ayaa la filayaa in maanta 3 Sept,2013 u dhoofo magaalada Baydhabo.
Wararka aan ka heleyno Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlada Federaalka safarkiisa uu ku wehelin doono wasiirkiisa arrimaha gudaha iyo amniga.
Safarka Madaxweynaha dowlada Federaalka ayaa la rumeysan yahay inuu la xiriiro diidmada shacabka dagan gobolada Bay iyo Bakool ku gacan seyreen dhowaan heshiiskii lagu gaarey magaalada Addis Ababa.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socda qaban qaabada shirweyne la rabo in lagaga dhawaaqo maamul goboleed kaas oo la filayo inuu qayb ka noqdo gobolka Shabeelada Hoose.
Wixii wararkaas kasoo kordha ka daalaco Caasimada online
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho