DHAGEYSO: Cali Maxamed Geedi oo mar kale war yaab leh ku hadlay

Nairobi (Caasimada online) Cali Maxamed Geedi, Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa wuxuu ka warbixiyay aragtidiisa ku adan Shirweynaha dib u heshiisiinta qaran ee maalintii shalay aheyd ka furmay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya  iyo aragtidiisa ku aadan Shirkaas uu furay Madaxweyne Xasan Sheekh .

Geedi, wuxuu sheegay in shirkaas uu yahay mid aan loo dhameyn oo ay wataan dad dano gaar ah leh oo ay u yeeratay sida uu sheegay dowlada Soomaaliya , waxaana uu ku tilmaamay mid umuuqda inaysan wax wanaagsan ay kasoo baxayn sida uu hadalka u dhigay.

Mustaqbal wanaagsan oo ay Soomaalidu jecleysato ayuu sheegay in aan marnabad laga sugeyn Shirkaas, Waxaana arintaas uu ku sababeeyay in dowlada Soomaaliya shirkaas ay ku casuumtay dad gaar ah oo sida uu shaaciyay ay isku danyihiin dowlada Soomaaliya .

Sidoo kale Geedi, ayaa soo hadal qaaday shirka Bilgium ka furmi doona 16-ka bishaan , ayaa  ku tilmaamay mid dalxiis ah Maadaama sida uu sheegay dowlada looga fadhiyo iminka inay isku keento maamulada dalka oo qaarkood siyaasad ahaan kasoo horjeeda dowlada Soomaaliya

Maamulada Punland Somaliland iyo qeybo ka mid ah gobolada Soomaaliya ayuu sheegay inay dowlada Siyaasad ahaan kasoo horjeedaan , waxaana uu shaaciyay in iyadoo aan arimaha gudaha aan la xalin aan loo gudbi karin mida dibadda iyo ka qeyb galka Shir caalami ah oo Soomaaliya ku saabsan .

Ugu Dambeyn dowlada Soomaaliya ayuu ku sheegay in mudadii sanadka aheyd ee ay jirtay ay ku fashilmatay wax ka qabashada dhanka amniga iyo midda dhanka bini aadanimada ah ,  Arimaha dibadda oo dowlada Soomaaliya ay shegto inay horumar ka gaartay ayuu eedi sheegay inay ka muhiimsan tahay midda gudaha .

Geedi, ayaa isagu wuxuu siyasad ahaan si aad ah uga soo horjeedaa dowlada Soomaaliya, waxaana dhowr jeer oo hore uu warbahinta u sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku fashilanta waxka qabashada Soomaaliya , Afahyeenka Madaxweynaha Soomaaliya Engneer: C/raxman Yariisoow, ayaa Siyaasigan wuxuu ku tilmaamay mid hore ugu fashilmay siyaasadda iyo hogaanka Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka Cali Maxamed Geedi

HALKAAN KA DHAGEYSO CALI MAXAMED GEEDI

Caasimada online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com