DFS oo dhowaan xilka ka qaadeysa…

Marko (Caasimada onile) Sida warar aan heleyno ay sheegayaan  dowlada Soomaaliya ayaa waxa ay wadaa qorshe ay xilka qaadis ah oo ka dhan ah gudoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii , kadib cabasho ku aadan maamulkaas oo ay shacabka gobolkaas muujiyeen .

Waxaa jirtay Hakin dhanka Shaqada ah oo lagu sameeyay gudoomiyaha  Gogobolka kadib markii shacabka gobolkaas ay cabasho ka muujiyeeen gudoomiyaha gobolkaas , taas oo uu ka dambeeyay ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdi faarax Shirdoon Saacid.

Qorshaha xilka looga qaaday Siidii , ayaa waxa la tilmamaya inay gobolkaas ka wadaan Wasaaradaha arimaha gudaha iyo amniga iyo Sidii kale wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Waxaana dhawaan la sugayaa inay garaan mas’uuliyiinta ugu sareysa labadasi wasaradood sida qorshuhu uu yahay.

Hore ayay odayasha dhaqanka waxay u soo gudbiyeen dacwad ka dhan ah Gudoomiyaha gobolka Shabeelha hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii, waxaa odayaashu cabashoodu ku soo bandhigeen in loo baahan yahay in si deg deg ah ay dowlada Soomaaliya wax uga qabato.

Dhowaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaas waxaa ka dhacay dagaal beeleedyo u dhexeeya beelo halkasi wada dega, waxaana mudooyinkii ugu dambeeyay muuqanayay in gobolkaas ay ka jirto isku tuur tuur ku aadan Jidgooyooyin gobolkaas yaala , kuwaas oo qaarkood la sheegay inay u yaalaan Mas’uuliyiinta maamulka gobolkaas oo Siidii uu ka mid yahay iyo ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya waxay sheegtay inay qaadeyso guud ahaan isbaarooyinka yaala gobolka Shabeelaha Hoose inkastoo wali ay muuqaneyso cabasho ku aadan saameynta isbaaroyinkaas oo ay muujinyaan gaadiidleeyda wadadaasi isticmaasha.

Caasimada online

Xafiiska Marko

Caasimada@live.com