Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka degay Qatar + Sawirro

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Madaxweynaha ayaa kulan ku saabsan xiriirka labo geesoodka ah iyo fursadaha lagu sii horumarin karo iskaashiga Soomaaliya iyo Qatar waxa uu la qaadan doonaa Amiirka dalka Qatar Amiir Tamiim Binu Xamad.

Soomaaliya iyo Qatar ayaa wadaaga iskaashi walaalnimo iyo xiriir dhow oo salka ku haya danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan Labada dal iyo sooyaalka Labada Shacab.

Madaxweynaha ayaa kasoo duulay dalka Masar, halkaasi oo uu shalay kulan mira-dhal ah kula qaatay dhiggiisa dalkaasi Cabdulfataax Al-Siisi.

Kuanka gaarka ah ee labada madaxweyne kaddib, waxay wadajir u qabteen shir-saxaafadeed ay ku soo bandhigeen miro-dhalka wada-hadalkooda iyo aragtidooda ku aaddan xaaladaha ka taagan gobolka, iyada Al-Siisi uu markaas hanjabaadii ugu cusleyd u diray Ethiopia oo ay xilligaan is-hayaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale tilmaamay saamaynta amni, dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee uu gobolka ku yeelanayo xad-gudubka dowladda Ethiopia ee ka dhanka ah midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in aysan indhaha ka fiirsanayn xad’gudubkaas, maadaama ay Soomaaliya iyo Masar yihiin labo dal oo qaan-wadaag ah, kuna mideysan dalladaha Carbeed iyo kuwa Afrika.

“Awoodda Masar yaan la tijaabin oo la handadin walaalhood, gaar ahaan dalalka walaalaha ah ee naga codsada in aan garab istaagno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Al-Siisi.