Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa Sabtidii sheegay in ciidamada Maraykanka ay duqeeyeen saddex goobood oo ku yaalla Iiraan, talaabo si toos ah Mareykanka uga qeyb-gelienysa dadaalka Israel ee lagu doonayay in lagu curyaamiyo barnaamijka nukliyeerka ee dalkaas.
“Waxaan soo gabagabaynay weerar aad u guuleystay oo aan ku qaadnay saddexda goobood ee Nukliyeerka ee Iiraan, oo ay ku jiraan Fordow, Natanz, iyo Esfahan,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.
“Dhammaan diyaaraduhu waxay hadda ka baxsan yihiin hawada Iiraan. Culeys buuxa oo bambooyin ah ayaa lagu soo daadiyay goobta ugu muhiimsan, Fordow. Dhammaan diyaaraduhu waxay si nabad ah ugu socdaan saldhigyadooda.”
Trump wuxuu sheegay in la adeegsaday diyaaradaha qarsoon ee B-2 (B-2 stealth bombers) balse ma uusan cayimin noocyada bambooyinka la soo daadiyay. Aqalka Cad iyo Pentagon-ka ayaan isla markiiba faahfaahin ka bixin hawlgalka.
“Tani waa waqti taariikhi ah oo u ah Mareykanka, Israa’iil, iyo guud ahaan dunida. Iiraan waa inay hadda oggolaataa inay dagaalkan dhammayso. Mahadsanid!” ayuu ku qoray barta Truth Social.
Duqaymahaani waa go’aan halis ku ah Maraykanka maadaama Iiraan ay ballanqaaday inay aargudan doonto haddii ay ku biirto weerarka Israel. Sidoo kale, shakhsiyan Trump ayay khatar ku tahay, isagoo ku guuleystay Aqalka Cad isagoo ballanqaaday inuu Maraykanka ka ilaalin doono khilaafaadka dibadda ee kharashka badan, isla markaana quursaday qiimaha faragelinta Maraykanka.
Trump wuxuu Jimcihii u sheegay suxufiyiinta inuusan dan ka lahayn in ciidamo dhulka ah loo diro Iiraan. Wuxuu horay u tilmaamay inuu go’aan kama dambeys ah gaari doono laba toddobaad gudahood – jadwal u muuqda mid aan jirin maadaama xaaladdu si degdeg ah isu beddeshay.
Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan Ayatollah Cali Khamenei ayaa Arbacadii Maraykanka uga digay in duqaymaha lagu beegsado Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay “keeni doonaan burbur aan la soo celin karin oo iyaga soo gaara.” Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan Esmail Baghaei wuxuu ku dhawaaqay “faragelin kasta oo Maraykan ah waxay noqon doontaa bilowga dagaal dhamaystiran oo gobolka ka dhaca.”
Trump wuxuu ballanqaaday inuusan u oggolaan doonin Iiraan inay hesho hub nukliyeer ah, wuxuuna markii hore rajaynayay in hanjabaadda xoogga ay keeni doonto in hoggaamiyeyaasha dalkaas ay si nabad ah uga tanaasulaan barnaamijkooda nukliyeerka.
Militariga Israel ayaa Sabtidii sheegay inay u diyaar garoobayaan suurtagalnimada dagaal dheer, halka wasiirka arrimaha dibadda Iiraan uu ka digay ka hor weerarka Maraykanka in ka qaybgalka ciidamada Maraykanka “uu noqon doono mid aad iyo aad khatar u ah qof kasta.”
Rajada dagaal ballaaran ayaa sidoo kale soo ifbaxday. Maleeshiyada Xuutiyiinta ee Yemen oo Iiraan ay taageerto ayaa sheegay inay dib u billaabi doonaan weerarrada maraakiibta Maraykanka ee Badda Cas haddii maamulka Trump uu ku biiro ololaha militari ee Israel. Xuutiyiintu waxay hakiyeen weerarrada noocaan ah bishii Maajo kaddib heshiis ay la galeen Maraykanka.
Safiirka Maraykanka ee Israel wuxuu ku dhawaaqay in Maraykanka uu billaabay “duulimaadyo lagu daadgureynayo dadka,” kuwaasoo ahaa kuwii ugu horreeyay ee ka baxa Israel tan iyo weerarkii Hamas-ka ee Oktoobar 7, 2023, kaasoo sababay dagaalka Gaza.
Laakiin Trump wuxuu u muuqdaa inuu sameeyay xisaab – isagoo ay ku boorrinayeen saraakiisha Israel iyo xildhibaanno badan oo Jamhuuri ah – in hawlgalka Israel uu jilciyay xaaladda isla markaana uu bixiyay fursad aan hore loo arag oo lagu dib u dhigi karo barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan, laga yaabee in si joogto ah loo joojiyo.
Israa’iiliyiintu waxay sheegayaan in weerarkooda uu horay u curyaamiyay difaacyada cirka ee Iiraan, taasoo u oggolaatay inay si weyn u wiiqaan goobo badan oo nukliyeer ah oo Iiraan leedahay.
Si kastaba ha ahaatee, si loo burburiyo warshadda kobcinta shidaalka nukliyeerka ee Fordow, Israel waxay ka codsatay Trump bambooyinka Maraykanka ee burburiya goobaha adag, kuwaas oo ah GBU-57 oo 30,000 oo rodol ah.
Bambooyinkan waxay adeegsadaan miisaankooda iyo xoogga ay ku dhex galaan si ay u gaaraan bartilmaameedyada si qoto dheer u aasan ka dibna ay u qarxaan. Qalabkan hadda waxaa kaliya soo daadiya diyaaradda qarsoon ee B-2 (B-2 stealth bomber) ee Maraykanka.
Bambadaani waxay sidataa madax-qarax caadi ah, waxaana la rumeysan yahay inay awood u leedahay inay dhex gasho ilaa 200 oo fiit (61 mitir) oo ka hooseeya oogada dhulka ka hor inta aysan qarxin.
Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atamiga (International Atomic Energy Agency – IAEA) ayaa xaqiijisay in Iiraan ay soo saarayso uranium si heer sare ah loo kobciyay oo ku yaalla Fordow, taasoo kor u qaadaysa suurtagalnimada in walxaha nukliyeerka ah ay ku fidaan aagga haddii GBU-57 loo adeegsado in lagu garaaco goobta.
Duqaymihii hore ee Israel ee goob kale oo nukliyeer ah oo Iiraan leedahay, Natanz, oo ah goobta centrifuge-ka, waxay sababeen wasakhaynta goobtaas oo kaliya, maaha aagga ku xeeran, ayay IAEA sheegtay.
Go’aanka Trump ee faragelinta tooska ah ee ciidamada Maraykanka ayaa yimid kaddib markii maamulkiisu uu laba bilood oo aan lagu guuleysan waday dadaallo – oo ay ku jiraan wadahadallo heer sare ah oo toos ah oo lala yeeshay Iiraaniyiinta – oo loogu talagalay in lagu qanciyo Tehran inay yareyso barnaamijkeeda nukliyeerka.
Bilooyin badan, Trump wuxuu sheegay inuu u heellan yahay dadaal diblomaasiyadeed oo lagu qancinayo Iiraan inay ka tanaasusho hamigeeda nukliyeerka. Labo jeer – Abriil iyo mar kale dabayaaqadii Maajo – wuxuu ku qanciyay Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu inuu dib u dhigo tallaabada militari ee ka dhanka ah Iiraan oo uu diblomaasiyadda siiyo waqti dheeraad ah.
Maraykanka ayaa maalmihii la soo dhaafay ku wareejinayay diyaaradaha milatari iyo maraakiibta dagaalka ee Bariga Dhexe iyo agagaarkeeda si loo ilaaliyo Israel iyo saldhigyada Maraykanka ee weerarrada Iiraan.