Maxkamadda G/Banaadir oo loo gudbiyay shirkad ajnabi ah oo loo haysto kiis xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay shirkad ajnabi ah oo lagu eedeeyay lacag dhaqid iyo canshuur la baxsasho, sida lagu shaaciyay qoraal goordhoweyd  kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha.

Shirkadan oo lagu magacaaba Aumotaivte Managementa Service, ayaa waxa uu sheegay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka inuu baaris ku sameeyay shirkaddan iyo maareeyaheeda xafiiska Soomaaliya, kadib markii ay soo gaartay warbixin denbi oo la xiriirta shirkadda.

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu Maxkamadda Gobolka Banaadir u gudbiyay si waafaqsan qodobka 71-aad ee XHCS eed lid ku ah shirkadda Aumotaivte Management Service iyo Maareeyaheeda Xafiiska Soomaaliya oo shirkad ajnabi ah kuna eedaysan xad-gudubka xeerka shirkadaha ee dalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sidoo kale waxa uu Maxkamadda gobolka Banaadir ka codsaday in lasoo muddeeyo dhageysiga dacwadooda, si loo guda-galo maxkamadaynta.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa waxaa kale oo lagu bogaadiyay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sida joogtada ah ula soo wadaaga xafiiska warbixinada denbiyada, si tallaabo sharci ah looga qaado.

Xafiiska ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ka digay dhamaan shirkaddaha ajaaniibta ah ee dalka ka howl-galaya een u hogaansamin xeerarka dalka.