Xasan oo sheegay in dalka ay ka jirto dhibaato lamid ah tii ay ka xoreeyeen halgameyaashii SYL

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadda xuska aas-aaskii Dalladda Dhallinyarada Soomaaliyeed awgeed waxa uu maanta ubax-dhigay tallada halgameyaashii SYL oo 80-sano ay ka soo wareegtay markii ay aas-aaseen dalladan xornimada u horseedday dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dalkeenna ay haysato caqabad la mid ah tan ay ka xoreeyeen halgameyaashii SYL, taasi oo ah argagixisada kusoo duushay nolosha iyo dowladnimada dadka Soomaaliyeed.

Waxa uuna madaxweynuhu bogaadiyey dhallinyarada ku biiray ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, si ay dalka uga dulqaadaan Khawaarijta.

“Dhallinyaradii SYL haddii ay ku guulaysteen in dadka Soomaaliyeed ay ka dulqaadaan heeryada gumeystaha, hormuudna u noqdaan dhaqdhaaaqyadii xoraynta dalalka Afrika, maanta waxaa dhallinyaradeenna Soomaaliyeed dul taagan xujo adag oo ah inay dalkooda ka xoreystaan Khawaarijta xasuuqday dadkeenna, nolosha iyo dowladnimadana u diiday dalkeenna,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladdu ay muhiimadda siinayso dhallinyarada Soomaaliyeed, iyada oo kor loo qaaday doorkooda hoggaamineed iyo shaqo-u-abuurka.

“Dhalinyarada magaalada joogta ayaa umaleysa inay weli meelaha qaarkood go’aan ka gaarin, Khawaarijta magaalada ayay ku dhex nooshahay, dad Khawaarij ah oo ay yaqaanan oo magaalada ku nool ayay ogyihiin oo aysan sheegin, waa cabsanayaan ama waa qaraabadiisa darteed,” ayuu yiri madaxweynaha oo ku boorinaya dhalinyarada inay xoojiyaan dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu dhalinyarada ku bogaadiyey sida ay qeybta uga qaadanayaan xaqiijinta Soomaali Heshiis ah, Dunidana Heshiis la ah, “Riyada ma dhimato.

Si kastaba, Sanad walba maanta oo kale ayaa waxaa la xusaa maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed, oo ku beegan aas-aaska ururkii gobanima doonka ee SYL, kaasi oo dhidibada loo taagay 15-kii May, 1943, oo aas-aastay dhallinyaro Soomaaliyeed.