Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay urur Afrikaan ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga mid noqotay xubnaha Ururka Maaliyadda Afrika, oo ah hay’ad bixisa xallinta kaabayaasha qaaradda, iyada oo ku biirtay Benin, Botswana iyo Congo oo xubin cusub ka noqday ururkaan.

Ururka Maaliyadda Afrika oo war kasoo saaray ku biirista Soomaaliya, ayaa waxa uu sheegay in ku biirista xubinimada Botswana iyo Soomaaliya ay horumariso waajibaadka ururkaan.

“Waxay siinaysa dhawrsanaan iyo xasaanad diblumaasiyadeed, si waafaqsan maqaamka dhinacyada badan leh ee ururka,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Ururka Maaliyadda Afrika (AFC).

“Waxa ay awood u siinaysaa AFC inay abaabusho raasamaal caalami ah, si ay ugala shaqeyso maaliyadda gudaha si loo helo kaabayaal waara oo la taaban karo iyo horumarinta warshadaha ee dalalka xubnaha ka ah.”

Waxa kale oo lagu yiri bayaanka uruka, “AFC hadda ku naaloonaysaa taageerada xubnaha saddex-meelood meel ee dalalka Afrika, oo leh wadar ahaan 40 xubnood oo madax-bannaan.”

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ka hadlay ku biirista ururkan ayaa waxa uu ku tilmaamay mid door muhiim ah ka qaadaneysa taageerada dhaqaale ee loo baahan yahay.

“Iyada oo ay Soomaaliya sii waddo dib-u-dhiska iyo koboca, xubinnimadeena Ururka Maaliyadda Afrika waxa ay door muhiim ah ka qaadan doonaa sidii loo heli lahaa taageerada dhaqaale ee loo baahan yahay si loo horumariyo qarankeena, ”ayuu yiri wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

AFC ayaa ah hay’ad Maaliyadeed oo horumarineed, oo dhinacyo badan leh oo Afrikaan ah oo la aasaasay 16 sano kahor, waxaana sameeyay dawlado madax-bannaan oo Afrikaan ah si ay u bixiso xalal dhab ah oo ku saabsan horumarinta kaabayaasha Afrika iyo jawiga shaqada ee adag.

Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waday dadaalo la xiriira hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalkeenna, iyada oo IMF ay ka marqaati kacday in Soomaaliya ay horumar wayn ka samaysay sharuudaha barnaamijka deyn cafinta ee loo soo gaabiyo ECF oo hadda  dowladdu ay ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5-aad.