Aqriso: DF Somalia iyo Kenya oo heshiis ka gaaray arrimo muhiim ah

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta heshiis cusub ku gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasi oo qeyb ka tahay furista xuduudda, fududeynta isku socodka labada dal iyo iskaashiga amniga.

Heshiiskan ayaa yimid kadib kilan heerkiisu sareeyo oo maanta ku dhexmaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya wasiiradda arrimaha dibadda, gaashaandhiga iyo amniga ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Kulanka ayaa waxay labada dhinac kaga hadleen qoddobada heshiiska laga gaaray oo ay ka mid yihiin furista xaduudda labada dal, fududeynta isku socodka duulimaadyada, ganacsiga iyo iskaashiga amniga.

Wasiirka amniga gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali Doodishe oo ka hadlay heshiiskanay gaareen dowladda Kenya ayaa ku tilmaamay “mid la taaban karo, wax ku ool ah.”

“Waxaan ku heshiinay in muddo 90-cisho gudahood ah lagu furo baraha xuduudaha Beled-Xaawo, Mandheera, Dhoobleey-Libooyai, Raas Kaambooni iyo Kiunga,” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha Maxamed Axmed Sheekh Cali Doodishe.

Sidoo kale waxa uu sheegay in masuuliyiinta labada dowladood ay ka wada-hadleen dal-ku-galka Kenya in loo sahlo shacabka Soomaaliyeed, taasi oo ay si weyn ugu dhib qabeen muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Waxaa aan ku heshiinay in culayska ka jira helitaanka dal-ku-galka (Visa) in lagu fududeeyo muddo 30 maalmood gudahood ah,” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali Doodishe

Dowladda Kenya ayaa dhankeeda si rasmi ah ugu dhowaaqday inay fureyso xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya, taasi oo xirneyd muddo ku dhow 12 sanno, kadib weeraro kooxda Al-Shabaab ka geysatay gudaha dalkaasi.

“Laga billaabo maanta, waxaan go’aansannay in xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya hab dhowr waji ah loogu furi doono muddo 90 maalmood gudahood, marinka ugu horeeya waxaa lagu furaya 30 maalmood gudahood” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya Kithure Kindiki.

Heshiiskan ay maanta gaareen dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa imanaya, iyada oo uu muddooyinkii dambe uu soo hagaagayay xiriirka labada dhinac, kaasi oo sanadihii lasoo dhaafay aad u xumaa.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda gulufkii ugu xooganaa oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo ay ka qeyb qaadanayaan dowladdaha dariska oo ay ka mid tahay dowladda Kenya.