INTERPOL oo Muqdisho kasoo dejisay eedeysane u baxsaday dal kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in eedeysane Dable Boolis, Zakariye Cali Axmed Cosobow oo ku eedeysan inuu geystay dil bareer ah maanta laga soo dejiyay magaalada Muqdisho.

Ninkan ayaa waxa laga soo qabtay dalka Koonfurta Sudan, waxaana diyaarad sidda eedeysanahan ay kasoo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida uu shaaciyay Taliska Booliska Soomaaliyeed.

Garoonka ayaa waxaa xilligaas ku sugnaa ehelada Marxuumka, saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliyeed iyo Booliska Caalamiga ah ee Interpol iyo masuuliyiin kale.

“Diyaarad sidda eedeysane Dable Boliis. Zakariye Cali Axmed Cosobow, oo ku eedeysan inuu 28/July/2022, Degmada Dayniile gaar ahaan Waaxda Kordamac ugu geystay dil bareer ah Marxuum Ex- Xidigle Boliis Cali Xasan Siyaad (Cali Tareen) oo ka tirsanaa Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa dhawaan soo caga dhigtay Garoonka Diyaarada Caalamiga ah ee Aadan Cadde,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Booliska Soomaaliyeed.

Soo qabashada eedeysanahan ayaa waxaa ka wada shaqeeyay Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo Booliska Caalamiga ah ee Interpol, taasi oo lagu tilmaamay inay caddeyn u tahay in cidna aanay ka dhuuman karin awoodda sharciga.

“Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa Xeerilaalinta Ciidamada ka eedeeyay eedeysane Zakariye Cali, Iskaashi dhex maray Boliiska Soomaaliyeed iyo Boliiska Caalamiga ah ee (Interpol) ayaa fududeysay in eedeysanahaan laga soo qabto dalka Koofurta Sudan.”

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa 10-kii bishaan shaaciyay in uu dhawaan soo bandhigi doono eedeysanayaal dambiyo dalka ku galay, kuwaasi oo ka maqan. Tallaabadan ayaa waxay qeyb ka tahay sidii cadaalad loogu qaado, sida ay qabaan shuruucda iyo qawaaniinta dalka u yaala.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa dhawaan soo bandhigidoona eedeysanayaal dambiyo dalka ku galay si cadaalad loogu qaado sida ay qabaan Shuruucda iyo Qawaaniinta dalka u yaala.”

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xilligaan waxa uu xubin buuxda ka yahay Booliska caalamka ee Interpol, taas oo qeyb libaax ka qaadatay la-dagaalanka dambiyada xaduudaha ka gudba iyo kuwa caalamiga ah.