Xasan oo shaaciyay in dowladda ‘ay qaadaneyso toban kun oo shaqaale’

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku dhawaaqay in dowladdiisa ay qaadan doonta toban kun (10,000) oo shaqaale rayid ah, kahor inta uusan dhamaan sanadkaan.

Madaxweynaha oo magaalada Muqdisho uga qeyb-galay munaasabad ay soo qaban qaabisay wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha oo lagu xusayay maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, ayuu ka shaaciyay in dowladdiisa ay shaqaale cusub qaadan doonto.

“Dowladda mashruuc ayey waddaa oo shaqo abuurka dhallinyarada la yiraahdo, sanadka inta uusan dhammaan ayey bilaabanayaan. Dowladda 10 kun oo shaqo in ay abuurto ayaa u dagsan, Wasaaradda shaqada iyo dhallinyarada ayey la kaashaneysaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in mushkiladda ay hadda wajahayaan dhallinyarada ay tahay xirfad yari heyso, isaga oo ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed inay la yimaadaan xirfad, oo ay xoogga saaran.

“Mushkiladda na haystaa waxa ay tahay dhallinyaradeena in badan oo ka mid ah ma shaqaaleesmi karaan, haddii shaqadii la abuuro xitaa ma shaqaaleesmi karaan, xirfadda aan baranno, oo xirfadda midda dhibka badan waa midda dadka dhisaya aan baranno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ku booriyey dhallinyarada Soomaaliyeed inay mideeyaan cududooda, codkooda iyo taladooda si ay door muhiim ah uga qaatan isbedelka dalka ee xoreynta, la-dagaalka musuq-maasuqa, hirgelinta nidaamka xisbiyada badan iyo dhameystirka dastuurka dalka, iyaga oo soo bandhigaya siyaasad ay ku caddahay qorshaha fog ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Markii bulsho la hoggaaminayo heer kasta ay tahay waa siyaasad, siyaasadna la isma siiyo dhallinyaro, mana ku soo raadsaneyso mas’uuliyaddu ama xilka, sida xirfadaha kale ku soo raadsanayaan. sidaas darteed siyaasadda waa inaad doonataan, si aad u raadsataanna waa inaad abuubulan tihiin oo aad leedihiin hoggaan iyo nidaam aad ku wada shaqeysaan si aad u xaqiijisaan waxa aad rabtiin, markaas cid idin hor istaagi karto ma jirto.”

Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu qiyaaso in ay bulshada ka yihiin 75%, haddana waxay wajahayaan shaqo la’aan baahsan, iyada oo dowladda federaalka Soomaaliya aysan qaadan shaqaalo rayid shantii sano ee la soo dhaafay.