Erdogan: Guul taariikhi ah ayaan gaari doonnaa wareegga labaad ee DOORASHADA

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in natiijada wareeggii hore ee doorashada Turkiga ay u muujineyso inuu ku guuleysan karo wareegga ugu dambeeya ee loo ballansan yahay 28-ka bishan, sida uu ku sheegay bayaan uu soo saaray.

Waxa uu sheegay in ku guuleysiga aqlabiyadda Baarlamaanka ee xisbigiisa ay u xaqiijisay in shacbiga Turkigu uu ku kalsoon yahay, islamarkaana ay aayahooda ka arkeen isaga iyo xisbigiisa.

“Waxaan kusoo bixi doonnaa doorashada 28-ka May innagoo kordhinayna codadkii aan helnay 14-kii May, waxaana rajaynaynaa inaan gaarno guul taariikhi ah,” ayuu ku yiri bayaan uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Anigoo ah siyaasiga aan rabitaanka ummadda mooyaane aan wax kale aqoon, kana leexan dariiqii ummaddu ay dejisay, waxaan ixtiraamaya natiijada kasoo baxday sanduuqa codbixinta.”

Erdogan ayaa helay doorashadii Axaddii in ka badan 27 milyan oo cod oo u dhiganta 49.51% codadkii la dhiibtay, waxaana uu musharraxa kusoo xiga ee Kemal Kilicdaroglu uu ka sarreeyaa 2.5 milyan oo cod.

Doorashada ku-celiska, oo ah tii ugu horreysay taariikhda Turkey, ayaa la qorsheeyey inay dhacdo 28-ka May.

Waxaa hoos u dhacay qiimaha lacagta Lira ee marka loo eego Dollar-ka iyo Euro, kadib markii maal-gashtayaasha Reer Galbeedka ay ka niyad-jabeen natiijada ayada oo ay u muuqato in Erdogan dib loo soo dooran doono.