Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow xarunta golaha shacabka lagu soo idleeyay kulankii ay lahaayeen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo socday muddadii ugu yareyd oo xildhibaanada baarlamaanka ay kulmaan.
Xildhibaanada baarlamaanka ayaa waxaa loo qeybiyay mooshinka ka dhanka ah xukuumada Soomaaliya, iyadoo kadib lasoo xiray kulanka, sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari.
Wariyaheena ku sugan golaha shacabka ayaa sheegaya in markii xildhibaanada loo qeybiyay mooshinka lagu dhawaaqay in gabi ahaanba shirka uu xerann yahay, islamarkaana lagu balamay in xildhibaanada ay isku yimaadaan maalinta Sabtida ee Muqdisho.
Xildhibaanada ayaa waxaa maanta kusoo biiray xildhibaan C/qaadir Sheikh Aadan oo la dhashay madaxweynaha maamulka koofur galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan.
Ugu dambeyn waxaa xildhibaanada loo qeybiyay mooshinka ka dhanka ah xukuumada Soomaaliya, iyadoo la qorsheynayo in xildhibaanada ay ka doodaan maalinta Sabtida ee soo socota.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

