25.7 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Mucaaradka DF oo caawa dalbaday in deg-deg loo joojiyo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa markale caawa si adag u cambaareysay dhul boob ay sheegeen inuu ka socdo magaalada Muqdisho, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqday inuu deg-deg u joojiyo arrimaha dhulka.

“Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay markale Madaxweynaha dalka ugu baaqaysaa in uu deg-deg u joojiyo boobka, barakicinta, xarigga iyo handadaada lagu hayo danyarta iyo warbaahinta tabinaysa cabashadooda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed goordhoweyd kasoo baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Mucaaradka ayaa sidoo kale wax aan la aqbali karin ku tilmaamtay xariga xubnaha guddiga u dooda dadkii laga barakiciyey dhulkii Jaamacadda Gahayr oo xalay ku hoyday xabsan.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay si adag u canbaaraynaysaa xariigga iyo handadaada lagu hayo shacabka la barakiciyey ee u dooday xuquuqdooda laga boobay, iyo warbaahinta gudbinaysa cabashadooda oo maalmihii dambe si xowli uga socday magaalada Muqdisho.

Si gaar ah, waxay Madashu canbaaraynaysaa xariigga sharci darrada ah ee loo geystay Wariye Khadar Cabdirixiim oo ka tirsan Himilo TV oo maalinkii labaad ku afduuban Saldhigga Waberi iyo xubnaha guddiyadda u dooda xuquuqda dadkii laga boobay Suuqa Siinaay oo ay ka mid yihiin; Ibraahim Cabdi Gurey, Cabdullaahi Cali Raage iyo Daahir Maxamuud.

Sidoo kale, waxaa xadgudub iyo sharci darro aan la aqbali karin ah xariigga xubnaha guddiga u dooda dadkii laga barakiciyey dhulkii Jaamacadda Gahayr oo xalay ku hoyday xabsan aan sharciyad lahayn.

Diinteena Islaamka, Dastuurka KMG ah iyo shuruucda kale ee dalka ayaa dhammaantood qaaday sharafta, maalka iyo nafta muwaadinka.

Sidoo kale, Dastuurka dalka wuxuu dammaanad qaaday xorriyadda hadalka taas oo ah xuquuq aasaasi ah oo muwaaddin kasta leeyahay, awood dowladimanna aan looga horjoogsan karin loogana xadgudbi karin.

Danyarta la barakiciyey, lagana boobay dhulkoodii iyo hantidii kale ee u taalay, in xariig, handaad, iyo ma hadli kartid loogu daro ma aha wax la aqbali karo, waxayna xadgudub ku tahay xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadinka.

Aragtiyada ka dambaysa jiritaanka ciidan amni, gaar ahaan Booliis waa ilaalinta sharciga dalka dhexeeya, haddii Booliiskii sharciga darro fulinayo ama samaynayo waxaa meesha ka baxaya ujeeddadii loo sameystay Booliiska.

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay ka xun tahay waxa ka socda caasimadda dalka, waxayna Madaxwaynaha dalka markale ugu baaqaysaa in uu degdeg u joojiyo boobka, barakicinta, xariigga iyo handadaada lagu hayo danyarta iyo warbaahinta tabinaysa cabashadooda.

- Advertisement -

Read more

Local News