Sharma el-Sheikh (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Sharma el-Sheikh ayaa sheegaya in dowladda Masar ay adeegsanayso nidaamyada difaaca cirka ee uu Ruushku leeyahay, si ay u xaqiijiso amniga goobta uu ka socdo shir madaxeedka nabadda Gasa.
Shirkan oo ah mid muhiim ah ayaa waxaa mid ay ka qeyb-galaya ku dhowaad 20 hoggaamiye caalami ah, oo uu ku jiro Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Sida ay werisey warbaahinta The New Arab, goobta shirka waxaa lagu arkay nidaamka difaaca cirka ee Buk-M2E, oo ah mid uu soo saaro Ruushka, kaas oo loo tixgeliyo nidaam difaac dhex dhexaad ah oo aad loogu amaano feejignaan sare iyo jawaab celin deg-deg ah.
Gantaallada uu nidaamkani rido ayaa gaari kara masaafad saddex jeer ka dheer inta uu gaari karo codka ay is dhaafsanayaan laba qof oo is horfadhiya.
Inkasta oo Masar ay horey u lahayd nidaamyada difaaca ee Mareykanka, sida Patriot iyo Hawk, haddana adeegsiga nidaamka Ruushka ayaa loo fasirtay farriin siyaasadeed oo culus oo muujinaysa madax-bannaanida go’aankeeda amni.
Warar hoose ayaa sheegaya in ciidamada Masar ay doorteen in ay hawl-geliyaan nidaamka Buk-M2E, kadib markii la helay xog sheegaysa in Israel ay damisay qayb ka mid ah nidaamyada difaaca Mareykanka inta lagu guda jiray weerarkii ay Dooxa ka geysatay toddobaadkii hore.
Tallaabadan ayaa loo arkaa digniin si toos ah ugu socota dhinacyada xiriirka dhow la leh Israel, iyadoo Masar ay muujineyso in aysan ku tiirsanaan hal isbahaysi difaac, isla markaana ay leedahay awood ay ku ilaaliso amnigeeda iyo martida heer caalami ee ku sugan Sharma el-Sheikh.
Shirka nabadda ee socda ayaa diiradda saaraya sidii loo joojin lahaa colaadda Gaza, iyadoo hoggaamiyeyaasha ka qeyb-galaya ay isku dayayaan in ay soo jeediyaan hannaan siyaasadeed oo lagu xaqiijinayo xabbad-joojin waarta iyo wada-hadal dhab ah oo u dhexeeya dhinacyada isku haya.

