Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha ku midoobay ‘Madasha Samata-bixinta’ ee Mucaaradka ah ayaa caawa ku shiray hoyga uu Muqdisho ka degan yahay Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed, kadib markii ay dalka dib ugu soo laabteen maalmihii lasoo dhaafay.
Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa mabda’a ahaan isku raacay inay la kulmaan Madaxweyne Xasan Sheekh, kadib dalab ka yimid Villa Somalia, sida ilo xog ogaal ah ay Caasimada Online u xaqiijiyeen.
Waxaa la sheegay in kulan kale dhexdooda ah uu u dhiman yahay, si ay uga tashadaan waqtiga munaasibka ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh ay la kulmayaan iyo xubnaha matali doona mucaaradka.
Waxaa lagu wadaa in berri ay Muqdisho soo garaan Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid oo Nairobi ku sugan iyo xubno kale oo mucaaradka ka maqan.
Inta badan xubnaha Madasha Samata-bixinta ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho, kadib safarro ay u baxeen maalmihii Ciidda iyo gudashada waajibaadka Xajka.
Xubnahaan ayaa si cad u diiday inay ka qeyb galaan gogoshii uu fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh ee Muqdisho ka socotay muddo afar maalmood ah, ugu dambeyntiina laga soo saaray war-murtiyeed rasmi ah.
Iyagoo diiday gogoshii Madaxweynaha ayay caawa isku raaceen inay la kulmaan madaxweynaha oo kulan kale inay isku arkaan ka codsaday, waxayna berri guda gelayaan farsamada qaabkii ay ula kulmi lahaayeen iyo qodobada ay kala hadlayaan.