Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee siyaasiyiinta mucaaradka ah ay ku midoobeen ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay gogoshii uu iclaamiyey Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madasha ayaa shuruudo ku xirtay ka qeybgalka gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh.
“Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay soo dhoweyneysaa gogosha wadatashi ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay, kuna muddeeyay 15-ka Juun, 2025,” ayaa lagu bilaabay qoraalka Madasha.
Mucaaradka ayaa sheegay in si looga miradhaliyo gogoshan, xalna looga gaaro hubanti la’aanta siyaasadeed iyo xaaladaha murugsan ee xag amni, siyaasadeed iyo mid dhaqaale ee dalku ku jiro, ay madashu ku baaqeyso qodobbada kala ah:
- In gogoshu noqoto mid wada hadal oo xal waara looga gaaro khilaafaadka siyaasadeed ee dalka oo ay ugu horreeyaan dib-u-eegista dastuurka iyo doorashooyinka labada heer ee Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, loogana wada hadlo sidii dalka looga ciribtiri lahaa kooxaha argagixisada ah.
- In ay noqoto gogol loo dhan yahay oo ay ka soo qeybgalaan dhammaan madada dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
- In la caddeeyo ajandaha iyo qodobada looga wada hadlayo gogosha.
“Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxa ay u taagan tahay samata-bixinta dalka, dadka, iyo dowladnimada Soomaaliyeed, waxayna diyaar u tahay wada hadal dhab ah oo horseeda midnimo Qaran, dalkana looga saaro hubanti la aanta siyaasadeed,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka Madasha.