Mucaaradka Somaliland qaarkood ‘oo ogolaaday’ muddo kordhin loo sameeyo madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa waraysi uu siiyay laanta af-Soomaaliga ee BBC ku sheegay in xisbigiiga uu oggol yahay in muddo kordhin farsamo ah loo sameeyo xukuumadda Somaliland. 

Injineer Faysal ayaa dhanka kale soo dhaweeyay talooyin ay Khamiistii soo jeediyeen guddi ka kooban ganacsatada Somaliland oo soo jeediyay in doorashada madaxtooyada iyo tan ururada ay mar qura wada dhacaan. 

“Farsamo ahaan way yara durkaysaa [doorashada] sidii 2009-kii, laakiin waxaanu jecelnahay in aanay lix bilood ka badan. Beesha caalamku waxay nagu tiri afar ilaa lix bilood wixii ka badan sumcad xumo ayay idiin soo jiidaysaa. Marka farsamo ahaan waan oggol nahay wixii durkin ah,” ayuu yiri guddoomiyaha UCID.

Xisbiga Waddani oo marar badan sheegay in aanu aqbali doonin muddo kordhin loo sameeyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaan dhankiisa weli ka hadlin talooyinka guddiga ganacsatada ah ay ka soo jeediyiin xallinta khilaafka siyaasadeed ee hareeyay Somaliland. 

Mudaharaad ay xisbiyada mucaaradka uga soo horjeedaan xukuumadda oo magaalooyin kamid ah Somaliland ka dhacay 11-kii bishan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 100 qof, sida uu sheegay Madaxweyne Muuse Biixi. 

Khilaafka Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa doonaya in Somaliland ay ka dhacdo doorasho lagu kala saarayo ururada siyaasadda ee dhawaan is diiwaangeliyay, kadibna kuwa soo baxa ay galaan doorashada madaxtinnimada ee loo asteeyay bartamaha November ee sanadkan.

Mucaaradka ayaa arrinkaa diiddan, waxaana ay doonayaan in marka hore ay dhacdo doorashada madaxtooyada, iyagoo ku doodaya in aanu jirin sharci nidaaminaya furidda ururada iyo doorashadooda.

Dedaallo ay wadeen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Somaliland oo xal loogu raadinayay khilaafkan ayaa guuldarro ku dhammaaday. Lama oga sida ay dhinacyada u aqbali doonaan soo jeedinta guddiga ay ku jiraan ganacsatada ugu caansan Somaliland.

Beesha Caalamka, gaar ahaan dalalka daneeya Somaliland, ayaa xukuumadda iyo mucaaradkaba ugu baaqay inay dejiyaan xaaladda, kadib dibedbaxyadii khasaaraha dhaliyay ee 11-kii bishan ka dhacay magaalooyin ay kamid tahay Hargeysa.

Taariikhda Xeerka Ururada

Xeerka Nidaaminta Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda waxa la ansixiyay sanadkii 2000 (Xeer Lr. 14/2000). Waxa uu bilaw u ahaa hanaanka geedi-socodka xisbiyada badan ee Somaliland kaga guurtay shir beeleedyada. Dastuurka Somaliland qodobka 9aad waxa ku qoran in nidaamka siyaasadeed ee Somaliland yahay hanaanka xisbiyada badan iyo in aan xisbiyadu ka badan karin sadex.

Xeer Lr. 14/2000 waxa uu jideeyey habka ay ku tartami karaan ururada cusub si ay ugu gudbaan xisbiyo, kaas oo ahaa in ay ku tartamaan doorashada golayaasha deegaanka. Doorashadii koowaad waxa la qabtay sanadkii 2002. Waxa ku soo baxay xisbiyada kala ah UDUB, UCID iyo Kulmiye.

Xeerka waxa wax-ka-bedel lagu sameeyey sanadkii 2011 kadib markii madaxwaynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo u saaray guddi ka talo bixisa. Gudidu waxa ay ku talisay in ururada la furo, iyada oo xeerka lagu kordhiyay in tobankii sanadood ba hal mar la furo ururo cusub.

Waxa la qabtay doorashadii golayaasha deegaanada sanadki 2012 kaas oo ay soo baxeen xisbiyada kala ah UCID, Kulmiye iyo Waddani.

Tobanka sanadood ee ruqsadooda xisbinimo waxa ay ku eg tahay dhammaadka sanadkan 2022. 

Isha: BBC SOMALI