Madaxweyne Xasan oo gaaray Jowhar

Jowhar (Caasimada online) Wararka aan ka heleyno Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in halkaas ay gareen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo.

Sida uu shabakadda Caasimada online uu u xaqiijiyay gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabeelaha Dhexe Yuusuf Cabdi Cabdule Madaxweynah Soomaaliya iyo Wafdigiisa ayaa si heer sare ah waxaa loogu soo dhaweeyay magaalada Xarunta u ah gobolkaas ee Jowhar.

Yuusuf wuxuu sheegay in madaxweynaha ay sugayeeen tan iyo saaka isla-markaana caleemo qoyan ay u raxyeen shacabka gobolkaas ugu dambeyna haatan uu tagay si wanaagsana loogu soo dhaweeyay magaalada.

Ammaanka magaalada aya si weyn loo adkeeyay waxaana magaalada Buux dhaafiyay ciidamada Alfa Group kuwaas oo isku gadaamay xaafadaha magaalada iyo hareeraha wadooyinka Magalada sida uu ioo xaqiijiyay afhayeenka maamulka gobolkaas Da’uud Xaaji Ciiro.

Xasan sheikh Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay laga sugayay inuu gaaro magaalada Jowhar inkastoo uu ka baaqday Hiiraanna uu gaary gar ahaan magaalada xarunta u ah gobolkaas.

Madaxweynaha Soomaaliya oo safar dhunlka ah ku tagay jowhar ayaa in cabaar ah ku hakaay degmada Balcad isla shabeelaha dhexe halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay iyadoona ugu dambeyn Duhurtan uu gaaray magalada xarunta u ah gobolkaas ee Jowhar.

Caasimada online

Xafiiska Jowhar

Caasimada@live.com