25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

NELSON MANDELA oo geeriyooday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Johannesburg (Caasimada Online) – Madaxweynihii ugu horeeyey ee madow ah ee dalka Koonfur Africa Nelson Mandela, ayaa caawa geeriyooday, waxaa sidaas ku dhowaaqay madaxweynaha South Africa Jacob Zuma.

Mr. Mandela oo 95 jir ahaa, ayaa hogaamiyey xukun kala wareegii madaowga ee caddaanka laga tirada badan yahay, sanadihii sagaashamaadkii, kadib 27 sano oo uu xabsi ku jiray.

Waxa uu gar gaar caafimaad oo xoog badan uu ku helayey gurigiisa, asaga oo infection uu ka qabay sambabka, kadib saddex bilood oo uu ku jiray isbitaalka.

Hadal uu ka jeediyey TV-ga ayuu Mr. Zuma ku yiri “Mr. Mandela waa naga tagay, si nabad leh”.

“Waddankeenii waxa uu waayey wiilkoodii ugu weynaa” ayuu raaciyey.

Caasimada Online

Xafiiska Johannesburg 

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News