Qarax ay dad ku dhinteen oo maanta ka dhacay Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in uu qarax xooggan ka dhacay halkaasi.

Wararka hordhaca ah ee kasoo baxaya qaraxa ayaa sheegaya in uu ka dhacay bartamaha magaalada, si gaar ahna hotel yar oo ku dhow saldhiga booliska degmada.

Qaraxan ayaa lasoo warinayaa in uu ka dhashay khasaare kala duwan, islamarkaana ay dad ku dhinteen, inkasta oo weli si rasmi ah loo xaqiijin inta uu le’eg yahay khasaaraha

Weli faah-faahin dheeraad ah lama helin, iyada oo la werinayo inay jiraan dhimasho iyo dhaawac, ayadoo dadkii ku waxyeeloobay loo qaaday isbitaalka degmada, si loogu dabiibo halkaasi.

Ma jiro illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay ismaamulka oo ku aadan qaraxaan, sidoo kalena majirto cid sheegatay masuuliyadda weerarka, inkasta oo durba lala xiriirinayo kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa mararka qaar weeraro noocaan ah ka fulisa gudaha Kenya, ayada oo muddooyinkii dambe kordhisay weerarada argagixiso, xilli uu hoos u dhac ku yimid gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda ee ka socday gudaha Soomaaliya.

Wixii kasoo kordha isha ku hay Caasimada Online