3 Qarax oo ka dhacay xaafada Islii

Nairobi (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in goordhow 3 qaraxyo xooggan ay ka dhaceen xaafadda ay Soomaalida ku badan tahay ee Islii magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Qaraxyada ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwa gacanta laga tuuro sida ay lee yihiin dad goobjoogayaal ah oo u waramay Caasimada Online.

Illaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxyada caawa ka dhacay xaafadda Islii  oo ah illaa seddax.

Waxa ay ku soo beegmayaan iyadoo toddoobaadkii hore qarax nooca bambaanada lagu tuuray goob uu joogay Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi oo ka mid mudanayasha baarlamaanka Kenya, kaasoo si wayn ugu dhaawacmay isla markaana illaa lix qof ay ku dhinteen.

Waxa hadda goobta soo gaaray ciidamo bilays ah, dadkana waa ay kala carareen.

Wuxu weerrarkan ku soo aaday iyadoo maanta dowladda Kenya ay ku amartay Soomaalida qoxootiga ee jooga Nairobi in ay aadaan xerada dhadhaab halka kuwa aan Soomaalida ahayn ay tagaan xerada Kaakumo.

Wixii soo kordha kala soco Caasimada Online

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi