Allegri: Robinho wuxuu doonayaa inuu dib ugu laabto Brazil.

Tababaraha AC Milan Massimiliano Allegri ayaa sheegay inuu weeraryahan Robinho doonayo inuu ka tago kooxda uuna dib ugu laabto dalkiisa Brazil bisha Janaayo ka dib markii ay Milan 4-1 ku xaaqday Pescara axadii.

“Ma jiraan wax intaan ka badan oo aan awoodo inaan kala hadlo, wax walba oo kale kooxda ayey ku xiran yihiin iyo ciyaaryahanka,” ayuu yiri Allegri.

“Wuxuu aniga ii ciyaaray in kabdan ciyaartoyda kale aad ayaana u xushmeeyaa. Wuxuu Brazil kasoo maqnaa sideed sanadood waxayna u muuqataa inuu doonayo inuu dib ugu laabto.”

Robinho ayaa usoo ciyaaray Real Madrid, Manchester City iyo Milan tan iyo markii uu 2005tii kasoo tegay Santos.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.