QARAX is-miidaamin ah oo lala beegsaday afhayeenka xukuumadda Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan waddada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarrama, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay inta u dhexeysa isgoysyada Dabka iyo Shaqaalaha ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya, Cabdifitaax Aadan oo qoraal kooban soo saaray ayaa shaaciyey in qaraxa uu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, isla-markaana lala beegsaday afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Cabdifitaax ayaa sidoo kale sheegay in Booliska uu dib ka bixin doonto faah faahinta khasaaraha ka dhashay weerarkan qaraxa loo adeegsaday.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhaawac Uu soo gaaray afhayeenka xukuumadda, isla-markaana loola cararay isbitaalka.

Sidoo kale waxaa haatan socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxa, waxaana daad gureynaya gaadiidka gurmadka deg degga ah.

Xaaladda goobta ayaa aad u kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay halkaasi.

Faah faahinta kala soco: Caasimada.net.